“Dawladdayaddii Daahir Rayaalle,Labbo Jeer Oo Kalli Ah Ayuu Sarifka Dollarka & Shilinka Somaliland Uu Sare U Yara Kacay, Todobaadyo Gudahood Ayaannu Ku Xallinay,Laakiin Sixir-Bararka Haatan Jiraa..”

0
66

Hargaysa:(Hubaal)-Siyaasigga Cali Ibraahim Maxamed  (Cali-Sanyare),ayaa maanta Dalka dib-ugu soo laabtay,ka dib safar qaatay Muddo Saddex bilood ah oo ugu maqnaa Dal-weynaha Maraykanka,waxaana Madaarka Caalamigga ah ee Magaaladda Hargaysa kusoo dhaweeyay Madaxda ugu sarreysa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Ka dib soo dhaweyntii loo sameeyay Siyaasi Cali-sanyare,ayaa waxa uu Saxaafadda kula hadlay Hoteelka Ambasaddor ee Magaaladda Hargaysa,waxaana uu sheegay inuu safarkiisaasi iskugu jiray;Mid shaqsiyaddeed,mid uu kula soo kulmayay Guddida qaadhaan-ururinta Wadada Cad ee uu gacanta ku hayo dhismaheeda iyo mid kula soo kulmayay Madaxda Xisbigga Waddani ee Waddankaasi.

Dhinaca kalena,waxa uu Siyaasi Cali-Sanyare ka hadlay xaaladda dalka,gaar ahaana;Abaaraha,Sixir-bararka iyo Doorashooyinka.cali sanyare

Ugu Horayn,waxa uu ka hadlay ujeedka safarkiisa qaatay saddexda Billood ee uu ku tagay Dal-weynaha Maraykanka,waxaana uu yidhi; “ Aad iyo aad baan ugu mahad-celinayaa madaxdan isoo dhaweysay iyo dadkan haldoorka ah ee reer Somaliland ee maanta Madaarka igu soo dhaweeyay.Waxaan ku maqnaa Dalka Maraykanka muddo saddex bilood ah,safarkayguna saddex arrimood buu iskugu jiray; ka ugu horreeyaa waxa uu ahaa Safar anniga ii gaar ah oo shaqsiyaddeed,Ta labaadna waxaan u baxay dhismaha Wadada Cad oo aan guddiyaddii Wadada ee Dalkaasi aan farriin ay guddigga guud ee Wadadu ii dhiibtay aan u gudbinayay,is-na xaal-waraysanay,aad iyo aadna aannu arrinta Wadadaas uga hadalnay.Ta saddexaad uu safarkagu daaranaana waxay ahayd Xisbigga WADDANI oo aan gobollo badan oo aan tagay aannu ka wada-sheekaysanay xaaladda uu haatan dalku ku jiro. Guud ahaana safarkii aan ku maqnaa guul buu kusoo dhammaaday,aad iyo aad baanan ILAAHAY ugu mahad-dinayaa in aan kusoo noqday dalkaygii Hooyo.”.ayuu yidhi

Dhinaca kalena,waxa si qoto-dheer uga hadlay Xaaladdaha dhaqan-dhaqaalle ee Dalka ka taagan xiligigan,waxaana uu si gaar u dul-is-taagay sixir-bararka ragaadiyay nolashii danyarta,isaga oo soo jeediyay in Guud ahaanba Miisaaniyadds sannadkan lagu samata-bixiyo Dadka ay abaaruhu saammeeyeen ee Goboladda Somaliland,waxaana ka mid ahaa hadaladdiisii. “ Dee Dalku waxa uu marayaa xaalad aad iyo aad u adag oo aan walli ina soo marin.Waddanka waxa ka jira Sixir-barar Xun oo dadkii maatadda ahaa waxii yaraa ee ay qaadanayeen ama Mushaharaddii soo gallaysay aanay waxba u goynahayn oo ah arrin la-xallin karo.Dawladdayaddii Daahir Rayaalle,Labbo jeer oo kalli ah ayuu sarifka Dollarka iyo shilinka Somaliland uu sare u yara kacay,markiibana todobaadyo gudahood ayaannu ku xallinay,laakiin sixir-bararkan haatan jiraa waxa uu sii socdaa uun muddo haatan labbo sanno ku dhaw,Taasina waa nasiib-darro,in laga gaabiyay oo Haay’addihii ka masuulka ahaa iyo Xukuumaddiiba ay aad uga gaabisay,haddii aan wax laga qabana waa waxyaabaha uu kacdoonku ka dhasho oo dadku marka ay Faqriyaan ee ay gaajoodaan ciddiba ma qaban-karto,waxaanan kula taliyanaa Xukuumadda;Waar imika iyadda oo dadku jilicsanyahay kacdoon uma taag haynee,dhibaatadan wax ka qabta oo u naxa da’yarta.Arrinta kale ee jirtaana waxa weeye;arrintan abaarta oo u baahan in dalka la galiyo Xaalad deg deg ah.Waliggay maan arag Dal abaari haysato,hadana ay xaaladdu tahay uun sidii hore oo aanay Xukuumadduhu qaadan xaalad deg deg ah,taas baa loo baahan-yahay,waana In guud ahaanba Miisaaniyadda Qaranka ee 2017-ka lagu soo jeediyaa sidii aynu abaaraha baahsan ee dalka ka jira ugula dagaalammi lahayn”.

Waxa kale oo uu ka hadlay Murranka u dhexeeya Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland eek u addan Abaarta iyo Xilli-doorasheedka isku soo beegmay,waxaana uu bogaadiyay go’aanka Xisbiyadda Mucaaradka ah ee odhanya in dib-u-dhigis kooban lagu sammeeyo Doorashadda,si ay dadka abaarta ugu soo doogaan. “Ta Doorashadda,Labadda Xisbi ee Mucaaradka ah mawqifgodu waa uu caddaa,waana ka caqligga gala,haddii Lix bilood dib loo riixo,Insha allah waxa da’ya roobka,Markaas September iyo Octobar weeyaan inay Doorashaddu dhacdo oo aan laga badin,Laakiin waxaan fahmi waayay Xisbigga KULMIYE  Dhuumashadan uu dhabarku muuqdo ee uu ku hadlay.Wey ogol-yihiin,haddana waxay leeyihiin Haa’yaddaha Sharcigga,ayaannu u daynaynaa,Hadda waa Xisbi iyo Xukuumad aan waligoodba sharci Fullin”.

DAAWO

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here