Hargeysa(Hubaal) – Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Shaqadda Cabdi Awdaahir Cali, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, Wasiir xigeen dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan, Wasiir ka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, iyo Wasiir Xigeenka deegaanka Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay inay iska casileen xilalka ay qaranka u hayeen.
“Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka. Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
“Waxaan iskacasley xilkii aan kahayey Xukuumada M/weyne Siilaanyo ee ahaa wasiir kuxigeenka wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada,” ayuu yidhi Wasiir Xigeen Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.
Iscasilaadda xubnahan ayaa lala xidhiidhinayaa loolanka Kulmiye. waxa la sheegay in madaxweyne Siilaanyo cadaadis kus aaray wasiiraddiisa inay taageeraan musharax Muuse Biixi Cabdi, maadaama ay wasiirada iyo masuuliyiinta xukumadda badhkood raacsan yihiin wasiir Maxamed Biixi Yoonis.