“…..Madaxweyne ayuu Qaranku leeyey, Isaguna Hadal oo halkuu maro ayeynu wada Maraynaa…..” “
Qolada Culimada Arrintoodu Golaha Ayay Hor Iman Doontaa Oo Laga Talin Doona Ee Aniga Afka Hayga Qorya-qoryayn…” – Guddoomiye Saleebaan Oo Hadalka Ka Hororsaday Weriye Weydiiyey Su’aal Ku Saabsan Cabasho Ay QaarKamid Ah Culimadu U Gudbiyeen Golaha
Hargeysa(Hubaal):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda ee Madaxweyne Siilaanyo guddoomiyey go’aanka ka qaadatay khilaafka Carabta ee ay ku taageertay Xulufada Sucuudigu hoggaamiyo ee xidhiidhka u jaray dawladda Qadar yahay mid habboon, isla markaana ay tahay in la wada maro halka Madaxweynuhu maray.
Guddoomiye Saleebaan waxa kale oo uu ka hadlay Cabasho ay Isniintii toddobaadkan u gudbiyeen Guddoomiye ahaan Culimada Ehlu-Sunna Wajameeca ee Somaliland, cabashadaas oo ay ka muujiyeen Guddi loo magacaabay Culimada Somaliland oo ay sheegeen inaanay Xubno ugu jirin ama aanay 12 Xubnood oo Magacyadooda Madaxtooyadu shaacisay ahayn kuwo loo siman yahay, waxaanu sheegay Guddoomiyaha Guurtidu in Cabashada Culimadaas Golaha la horkeeni doono, go’aanka Gole ahaan ay ka qaadan doonaanna aanu ka hor-dhici doonin.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay Saleebaan-gaal arrinta doorashada Madaxtooyada diyaar-garawgeeda iyo qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta oo Ramadaan markay dhammaato dib uga bilaabmi doono Afar gobol oo aan weli laga bilaabin qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada, halka gobollada Awdal, Saaxil iyo 12 goobood oo gobolka Sanaag ka tirsan laga qaybiyey. Guddoomiyaha oo qaar kamid ah warbaahinta kula hadlay Hargeysa shalay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “MArkay arrin weyn tahay Madaxweyne ayuu qarankani leeyahay oo isagaa u yidhaahda isagiina hadal innaguna dee halka uu maro ayuun baynu innaguna wada maraynaa dantuna sidaas bay ku jirtaa”. Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan waxaanu intaa kud aray mar wax laga weydiiyey go’aanka ay Xukuumaddu ka qaadatay go’doominta QATAR “Kolley nimankan is khilaafsani way isu dhaw dhaw yihiin laakiin halkay dantu tahay oo ay danteenu ku jirtaa. Dawladna waad sheeganaysaa siyaasadna waad leedahay danna waad leedahay sidee dhex dhexaad looga noqdaa arrintaasi anigu halkii danteenu ku jirto ayaan raacayaa”. Geesta kale Mar ay wariyeeshu wa ka weydiiyeen qoraal ay qaar kamid ah culimadu kaga cawdeen guddida culimada ee madaxweynuhu sameyeey kaasi oo ay u soo gudbiyeen waxaa uu Mr. Saleebaan Yidhi isaga oo su’aasha intaan weriyuhu dhamayn ka hororsanaya hadalka ‘Halla gaadho arrintoodu golaha ay hor iman doontaa oo laga talin doonaa laakiin maanta aniga afka hayga qorya qoryayn”. Ayuu yidhi.