“Dawladuhu Wax Bay Laayaan Haddii Ay Dantu Keento, [Annaguna] Qarin-Meyno’e Haddii Dad Gabood-Falaya Aanu Aragno Waanu Leynaynaa”

0
105

Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

 “Waxanu idin leenahay Dantiinna Ayaanu Wadnaa Oo Dhiiggiina Inaanu Ku Kala Hagooganno Ayaanu Doonaynaaye Nagala Shaqeeya, Hadhow Baa La Odhan Doonaa Qolo Ayey U Hiilinayaan’e  [Annagu]  cadaadintiina xiiso uma qabno, xarrogana uma aragno”

Laascaanood (Hubaal) – Wasiirrada xukuumadda Somaliland ugu tunka weyn leh, ayaa hanjabaaddii ugu adkayd u diray beelaha walaalaha ee ku dagaallamaya Koonfurta gobolka Sool, waxana ay shaaciyeen inay xukuumaddu ugu dambayn go’aan adag ku gaadhay in gacan militeri wax lagaga qabto dhibka soo dhammaan waayey, isla markaana ay ciidamada qaranku tallaabo adag qaadi doonaan. Wasiirrada wasaaradaha Madaxtooyada Md.Maxamuud Xaashi Cabdi iyo arrimaha gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir oo waxgaradka labada beelood goob ay ku shirayeen kula hadlay, ayaa dhinacyada is haya ugu bushaareeyey inuu dhammaaday dulqaadkii xukuumaddu, isla-markaana haatan wixii ka dambeeya gacan bir ah lagu qaban doono cidkasta oo loo arko inay nabadda caqabad ku tahay. Ugu horrayn wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi oo halkaas ka hadlay, ayaa codsi iyo hanjabaad isbarkan u diray dhinacyada is haya, waxana uu farta ku fiiqay in tallaabooyinka xukuumaddu ammaanka ku dhawraysaa keeni doonaan inay dad u dhintaan, waxana uu yidhi,, “Labada reer ee walaalaha ah ee aanu dantooda wadno waxanu ka codsanaynaa inay noo dhego nuglaadaan, go’aamada adagina xanaf iyo xanuun badan bay horseedi doonaan oo waxa dhici doonta in qaar badan oo rabashad wada la laayo.” Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiirku sheegay in haddii xal loo arko dad nool  nool la leyn doono, isaga oo tilmaamay inay taasi kamid tahay astaamaha dawladnimada,“Waar dawladuhu wax bay laayaan, haddii ay maslaxadda iyo dantu keento dad gabbood falaya oo dulmi wada waanu laynaynaa qarin mayno’e, hadhow baa la odhan doonaa qolo ayey u hiilinayaan oo meel bay wax IMG_A931AF-13F7E8-E0FF2E-E309E7-7F1262-E0226Bka wadaan iyo qolo ayey cadaadinayaan,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi. Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu labada dhinac u sheegay inaanay xukuumad ahaan dhinacna hiil u geli doonin, balse dhiigooda la kala badbaadin doono, isaga oo dhinacyadana ka codsaday inay arrintaas kala shaqeeyaan, waxana uu yidhi, “Waxanu idin leenahay waar waxaas sumad ha u kala samaynina dantiinaanu wadnaa oo dhiiggiinaanu doonaynaa inaanu ku kala hogooganee nagala shaqeeya dantiina, xiisona uma qabno, xarrogana uma aragno cadaadintiina.” Dhinaciisa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir farotoon oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey dhawaaqyo hore looga guntay dhinacyada is haya oo la xidhiidha bulshada kale ee ku hareeraysan iyo xukuumadda oo dafireen, waxana uu yidhi, “Shaqaaqada koonfurta Sool muddada ka socotay ayaanu u soconaa waxana reeraha isdilaya mar dhawaan loo tegay la sheegay inay ku jawaabeen inaanay talo lahayn, tolna lahayn, dawladna lahayn, dareenka laga soo sheegayaana waa kaas.” Wasiirku waxa uu xusay in hadallada labada dhinac sheegteen ceeb ku yihiin guud ahaanba beelweynta ay labadaas reer kasoo jeedaan oo gurmadkeedu meesha ka maqnaa, “Sida ay bulshadaasi sheeganayaan Talo la’aanta iyo tol la’aanta  ayaa meesha ka taagan, waxana ay ila tahay in dhulbahante iyo inta la oodda ahi arrintaas ku ceebaysan tahay,” ayuu yidhi wasiir Farotoon.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here