Qeybtii 2aad Ee Qiso Xambaarsan Waayaheeda Oo Mudan Wax ku Qaadasho
Muna waa hooyo dhashay saddex caruura, wiil iyo laba gabdhood. Hooyo muna waxay ahayd madi aabaheed iyo hooyadeed waxay dhinteen yadoo yar.waxaa soo koriyay aayadeed aabe oo geeriyootay markay muna 15 jir ahayd. Muna waxa calafku iskudaray Sahal oo ahaa nin qurbaha (saudi arabia) muddo 30 sanadood ku maqnaa, isagoo intaasba aan xaas samayn. Sahal waxa uu muna guursaday isagoo 45 sanno jir ah, munina markaas tahay inanyar oo 22 sanno jir ah, waxa ilaahay ka beeray 3 daas caruurta ah oo cilmi ugu waynaa. Qoyska muna iyo sahal waxay kunoolaayeen nolol aad u fiican, oo aan diihaal lahayn. Sahal markuu kasoo googoostay qurbaha waxa uu dalka layimid oo xaqiisii soo siistay gaadhi wayn oo UD ah.gaadhigaas ayuu masaariifta reerkiisa iyo wixii dhigaal dheeraadaba kaheli jireen, waxaana qoyskooda u hanti ahaa gaadhigaas iyo guriga ay ku jiraan. Sahal waxa uu ahaa inta badan ragga aan tafta dumarka aankasoo hadhin, taasina waxayku keentay nacayb badan oo qoyska sahal kasoojeedo ama ehelkiisu uqaadaan muna, ubadkeeda iyo isaga laftiisaba. Waa maalmo duniduye, maalin ayaa sahal u anbabaxay safar, goor maqrib ah ayuu soo maray caruurta oo isagoo si uyara qiiraysan sii macasalaameeyay. abaara 1 dii habeenimo ayaa muna guriga lagusoo garaacay, baroor dheer iyo garaacoo wada socda ayay ku salashay, bisinka oo kusoo kacday, islamarkay albaabka furtayba waa xaq e waxaa loo sheegay geeridii Sahal oo gaadhigii la dhacay kuna nafbaxay shilkaas maydkiisiina lasoo wado. Inaa lilaahi wa innaa ilayhi e. Subaxnimadiiba sahal waa la’ aasay. Gaadhigii UD ga ahaa ee ladhacay Sahal na isagoon manfac badan lahayn ayaa bil kadib laxaraashay, oo xoogaa lacaga loo keenay agoontii. Geeridii odaygeeda kadib waxa ay muna kutashatay oo go’aan ku gaadhay in ay caruurteeda korsato dhib iyo rafaadba la marto, oo ay caruurteeda isha nacabku qaban yagoo darxumaysan, khayrkood oo aydhaafaan maahee aan dib loo eegin ee lahiigsado, iyadoo hooyo muna dhagaha ka furaysatay dalabkasta oo kagayimaada dumaashiyadeed oo gurigooda lugtoodu ku badatay.
iyadoo raasamaal haysata waxii yaraa ee gaadhiga lacagtiisii kahaysay waxa ay hooyo muna ka furatay magaalada mehered yar oo booshari ah khudaartana lagu iibiyo. Wakhtigaas muna 3deeda caruuri way ka yara koreenoo waxaa ugu yaraa inanta 5jirka ah, waxa ugu wayn cilmi oo 12 sano jir ah.waxay caruurtu dhigataa dugsiga dhexe fasalka 3aad ilaa lixaad. Waxay sidaas ahaataba hooyo muna waxaa lasodarsay wakhtiyo adag, suuqa oo ku xumaaday awgeed, hasayeeshee waxay lakacaa kuftaba dabaylaha waayaha hanfigooda marwalba ubadkeedu khayrkood way u siteen. Markay danteeda iyo ta ubadkeda u go’dayna waxay sii kala fogaadeen qoyskii ubadkeedu kasoojeedeen, inkastooo markastaba aflagaado iyo fadeexad lagula kacaayay haddana dhagta umaydhigi jirin.
Muna waxay ku ildoogsataa ubadkeeda oo si wacan oo akhlaaq badan intay ugu barbaareen tacliintana kufiicnaaday. cilmi marnaba kaalinta 1aad kamuudagi jirin, habluna kamaydhacayn. Waxay hooyo muni ku ilqabawsayaa oo nafteeda ku qancisaa berribay naftooda iyo taadaba anfacayaan oo nasan doontaa. 4 sanno kadib cilmi oo fasalka 3aad ee dugsiga sare u gudbaya, ayaa cilmi waxay isjeclaadeen oo inay isguursadaan ku heshiiyeen inan ay isku fasal ahaayeen. Cilmi markuu hooyo muna uga waramay arinka isaga iyo inantana, hooyo muna way kacadhotay yadoo aan ladareemayna waxay isu raacisay hadalladan wiilkeeda curad ee cilmi: “hooyo ma garanaysid sidaad halkan kusoo gaadhay, tacabka iyo duruuftaynu soomarnay, waxa dhididka iyo ilmadu isqooyeen dhabankayga, ee hooyo adoon hamigeena dhantaalin jaamacadda dhamayso hooyo, intaynu isku noolnahay waa magan naftane maalin uun baxaysee” yadoo u caqli celinaysa ayay intaas ku tidhi. Cilmi hadalkaas hooyadii ku tidhi umuu dhaadhicinoo meelbaa u caddayduun. hasayeeshee markii cilmi fariintii hooyadii uukala soonoqday u sheegay inantii. Waxay ku tashadeen in ay tahriibaan oo aanay cidnaba usheegin, lacagna shaxaad iyo tuugaba miduun kusoohelaan. Cilmi waxa uu hooyo muna ka xaday dahab 200 gram ah oo uu ogaa halkuu yaalay. Dharaar cad ayay kawada baxeen cilmi iyo istahil magaalada. habeenimadii abaara 9 kii ayay hooyo muna iyadoon kafakarayn tahriib, waligiina cilmi xilligaas ka maqnaan guriga, ay istidhi balkasoo eeg guryahaas eedooyinkii iyo aderadii, lakin waxay kala kulantay jawaab isku mida ” maanu arag walaal lakin waa nin wayn cilmi hadda e maxad kadaba socotaa wuu iskasoo sheekaysanayaa soocawaynayaaye” hooyo muna waxa habeenkaas ilaa abaaro 2 dii habaynimo fadhiday kaabada afaafka hore ee gurigeeda waxaa weheliyay ilaa waagii labadii hablood oo ku tabay jiifka hooyadood inay ka maqantahay. Waagii markuu walac yidhi waxay hooyo muna raadcaysay inantii uu lahaa waan guursanayaa, iskuulkii ayay tagtay nasiib wanaagse waxay ku kulmeen istahil hoyadeed oo iyana raadinaysa inanteeda. Halkaas waxaa kucadaatay inay tahriibeen. Hooyo muna yadoo murugo iyo mugdi saaran yahay, beerkuna qalan yahay naxdin awgeed, waxay kusoo noqotay gurigii, iyadoo fakaraysa oo isku buuqsan ayay aragtay uun shandad yar oo dahabku ugu jirijiray oo sariirta hoostaala, way soo qaadoo dahabkiibay baadhbaadhay way wayday, markay aragtay in dahabkii gacantii inankeeda ku baxay way iska aamustay.waayo waxaa waxkasta Oo ay waydo kala murugo iyo feker badnaa wiilkeeda curad xaaladiisa., waa hooyo uune! cilmi isagoon muddo bil ah war laga helin, ayaa cilmi waxaa xidhay magafe.waxaa laguxidhay saxaraha liibiya, goor habeenimo ah ayaa cilmi soo garaacay hooyo muna, bariido kadib, waxa laga dafay mobilkii cilmi, waxaa hooyo muna loo sheegay lacagta lagarabo ee loo haysto cilmi, hadii lawaayo muddo wiigana in isaga laga samrayo. Hooyo muna walaac iyo walbahaar wax aduuna mahayso, meheradii yaraydna kamaysoo hadhinba niyadjabkii tahriibta, islamarkii hadalka loo dhameeyayba waxaa hooyo muna indhaheeda ka budhqanayay ilmo naxdin iyo farxad yar isugu jirta, mar hadday maqashay hadalka curadkeedii. Waxa dareemay hablihii oohinta hooyadood, degdeg intay ilmadii iskaga bi’isay ayay ugu jawaabtay hooyo waa walaalkiin cilmiyoo wuu nabadqabaa. wiigii hooyo muna loo qabtay ayaa soo degdegay,.waxay ku dhiiratay inay guriga iibiso way kayara maagtey, hablahana eedooyinkood u gayso taasna waykasii biyo diiday. Intay jidhka isgalisay ayay hooyo muni gurigii faasaxday,taas oo dhibaato hor leh ay kala kulantay qoyskii ay u dhaxday, haddana xaqbay u yeelatay.lacagti loo haystay cilmi iyo in dheeraadaba way u dirtay.hooyo muna iyo labadeedii habloodna waxay si ku meel gaadha dulsaar ku noqdeen xaafad jaarka ah oo muna isku dheeraayeen, kana war hayay arimahooda. Markii istahil iyo cilmi libiya ka baxayeen ayaa waxay ku tashadeen in laba doonyood oo kala danbeeya raacaan, badduna way kacsanayd.cilmi habeenkuu ka baxayay libiya ayuu lasoo hadlay hooyo muna ” hooyo caawaan baxayaaye iisoo ducee,! Markay ugu jawaabtay waad ducaysantahy , ducadaydaa kugu dhan, ilaahay hakuu sakhiro ayay ismaqli waayeen khadkuna ka go’ay. Waxaa intaas hooyo muna u xigay telephone istaahil hooyadeed usoo dirtay 6 dii subaxnimo iyadoo hooyo muna markaas hurdo yara diiday, waykusoo booday mobilka, hollow, waxay istahil hooyadeed, hooyo muna u sheegay in labadii doonyood ee xalay baxay tii hore ee cilmi saarnaa in ay qarqoontay, tii danbe oo istaahil saarnaydna dib loogu soociliyay libiya. Isla 9 kii subaxnimoba waxaa baraha websiteka lasoo gashay in doonida qarqoontay saarnaayeen 200 oo qof 80 somali yihiin 17 na somaliland yihiin cilmi muse cawalena ku jiro dadka geeriyooday alle ha u naxariistee haddaba akhriste bal suuree xaaladda maalintaas ee hooyo muna maxay ku danbaysay iyada iyo labadeedii hablood
waa sheekada xigta insha allaah.