W/Q: Cabdiraxmaan Cadami
Dal kastaa markuu dib u haybayn samaynaayo waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado meesha hada la joogo ee laga dhaqaaqaayo iyo yoolka la higsanaayo, waxa la hayo ee lagu hawl galayo iyo caqabadaha horyaala ama ka horiman kara.
Dabcan dalalku waxay ku kala duwan yihiin xaga haynta ama hantida iyo waliba xaga cududa shaqaalaha (aqonta, xirfada iwm), laakin wax kasta oo fursado ah oo aad haysato is bedalku ma hirgalo haddii hogaanka dalku aanu la iman go’aan adag iyo rabitaan dhab ah (commitment). Reform-ku waa siyaasad guud iyo barnaamij loogu talo galay in kor loogu qaado tayada hay’addaha dalwada oo dhan ma aha wax hay’ad kaliya loogu talo galo sababta oo ah hay’ad kasta waxay la shaqaysaa ama la shaqeeya hayado kale oo aanay hawshoodu socon Karin la’aantood, tusaale ahaan maxkamadaha waxaa la shaqeeya wasaaradaha cadaalada, arrimaha gudaha, caafimaadka iwm, waxaa la shaqeeya xeer ilaaliyaha guud, bilayska (saldhigyada iyo CID-da), ciidamada asluubta (Jeelasha) waxay hayaan hawlo isku xidhxidhan oo aan sinaba u kala maarmi Karin.
Sidaa awgeed waxa loo baahnaa in la sameeyo dib u hayban isku dhamaystiran si ay iskula jaan qaadaan.
Dhinaca kale si loo hubiyo habsami u socodka reform-ka sidii loogu talo galay waa inuu jiraa guddi awood badan oo u xil saran isku dubaridka iyo qiimaynta hay’adaha ka gaabiya iyo sababaha ku keenay dib u dhaca.
Marka aan u soo daadago nuxurka maqaalka gudoomiyaha maxkamada sare Md Aadan X. Cali Axmed wuxuu bilaabay inuu isbedal iyo dib u habyn ku sameeyo garsoorka, wuxuu qaaday dhawr talaabo oo loo baahnaa oo dadweynuhu aad u soo dhaweeyey ama lagu amaanay isla markaa waxaa hadaladiisa laga dhadhansanayaa inay ka go’antahay inuu soo celiyo kalsoonidii shacabka iyo in garsoorka la aamino.
Way fiican tahay masuul kasta meesha uu joogaba in uu muujiyo dadaal laakiin reform-ku xaga hoose kama tago oo kor uma baxo, refom-ka guulaysanaya wuxuu ka yimaada xaga ugu saraysa (from the top management). Qorshe aad looga baarandegay kadib waxaa loo soo dhaadhicyaa xaga hoose si loo dhaqan galiyo, wuxuu daadku qaadaa ama seeftu la tagtaa kuwa is hortaaga ama ka gaabiya geediga ama hayaanka.
Si kastaba ha ahaatee masuulka kaligii la yimaada isxilqaan dheeraad ah ama reform u gaar ah wuxuu ku dambeeyaa laba arrimood mid ka mid ah:
- In uu si degdeg ah u niyad jabo marka uu madaxda ugu saraysa ka waayo taageeradii looga baahanaa iyo marka uu iskaashi buuxa ka waayo hay’adaha kale ee la shaqeeya; si kale haddii loo dhigo markuu ka gudbi kari waayo carqaladaha iyo jalaafada kuwa ka soo horjeeda isbedalka ayuu isaga oo jaahwareersan naftiisa la cararaa ama inta uu is dhiibo ayuu iskala qabsadaa xaladihii hore iyo sidii ay ahaan jirtay.
- Inuu dedaalkiisa eedo oo loo arko nin guuxiisa ka dheereeyey ama fara fareeyey meelo lama taabtaan ah iyo in loo arko inuu yahay gudoomiye aan u dhaga nuglayn amarada madaxtooyada sidaa awgeedna xilkiisa ku waayo. Ujeedaydu ma aha in aan niyada ka dilo gudoomiyaha cusub balse waxaan ku dhiiri gelinayaa in uu dadaalkiisa sii wado halka ay la gaadhoba, kaliya waxaan sheegayaa waxa jira iyo duruufaha ku gadaamadan iyo in dadaalkiisu madi yahay.
Cabdiraxmaan Cadami