Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay eedaha mucaaridku u soo jeediyeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee la xidhiidhay dhukumenti shabakadda siraha dawladdaha faafisa ee Wikkileaks dhawaan baahisay, kaas oo lagu sheegay in dawladda Somaliland la sexeexatay heshiis midnimo dawladda Somalia iyo maamul goboleedka Puntland, guddoomiye Muuse Biixi ayaa ku tilmaamay eedahaas mucaaridku u soo jeediyay xukuumadda been abuur iyo dacaayado raqiis ah, waxaana uu dusha u saaray eedaha noocaas ah xisbiga Waddani oo uu sheegay in guddoomiyahoodu ku aroorayo eedaha noocaas oo kale ah. Guddoomiye Muuse Biixi oo arrintan ka hadlaya ayaa hadalkiisa ku bilaabay “arrintaasi meel ay naga soo gashaa ma jirto ninkii afkiisa laga hayo ayaa laga rabaa meesha uu ka keenay, dadka kale ha iska hadlee, shalay waxa ka hadlay guddoomiyaha Waddani arrintaasi wax Somaliland loo quudho maaha, Kulmiye-na haba sheegin, madaxweynahana haba sheegin waxa uu ku eekaanayaa layliga isagu biyaha uurkiisa ku jira ka dida, laakiin qolada Waddani oo iyaga guddoomiyahoodu ka hadlay waxaan qabaa runtii dareenkaasi inii geli lahaa isaga haddii uu isagu maanta madaxweynaha dalka yahay, waxaanu leenahay arrintaa isaga ayaa looga fadhiyaa cadeynteeda.”
Guddoomiye Muuse Biixi oo wareysi siiyay HCTV ayaa eedeeyay guddoomiye Cirro “dee taariikhda haddii la isu sheegayo ee annaga Kulmiye ah waxaa nagu lihi dee 2001-kii Cirro wuxuu ahaa safiir dawladdii kumeel gaadhka Somalia, waa kii halkaa Fiisaha ku iibin jirey”