Daarasalaam (Hubaal)- Guddoomiyaha cusub ee degmada Daarasalaam – Gobolka Maroodi-jeex – Mr. Cabdikariim Cali Maxamed Sheekh, ayaa 15 biyood oo biyo ah gaadhsiiyey 11 tuulo ka tirsan degmadiisa oo abaaro kulul ka jiraan maalintii Isniinta.
Guddoomiye Cabdikariim oo khadka telefoonka Jamhuuriya kula soo xidhiidhay shalay, waxa uu sheegay inay booyadaha biyo ah oo maamulka degmadiisu bixiyey u qaybiyeen dadka iyo duunyada ku dhaqan tuulooyinka Balliga-cas, Ilimaha, Foodka, Gubato, Gaboobe, Ballayga-cad iyo Bacado oo uu xusay inay soo foodsaareen biyo la’aan ka dhalatay abaaraha baahan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku habsaday waqtigan.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Daarsalaam, ayaa ugu baaqay Guddiga Qaranka ee Taakulaynta Abaaraha inay qorshahooda gurmadka ku darsadaan dadka ku dhaqan inta badan degaannada degmadiisa ee dhaca woqooyiga caasimadda Hargeysa oo abaaro adag ka jiraan.