‘Deeq-Bixiyayaashu Waxay Doonayaan In Ay Dib U Guumaystaan Afrika’

0
35

– Madaxweyne Museveni

president-yoweri-museveni-of-uganda2-610x380

Madaxweynaha Uganda, Mr. Museveni, ayaa reer galbeedka (donors) ku dhaleeceeyey in ay rabaan in ay dib u guumaystaan, kadib markii uu khudbad ka jeediyey casho sharaf uu u sameeyey madaxdii ka soo qaybgashay xaflad caleemo saar oo markii shaannaad loo sameeyey muddada uu xilka hayey oo ka soo bilaabmaysa 1986-kii oo uu xilka dalka qabsaday. Miis uu casho sharaf ugu sameeyey madaxdii ka soo qaybgashay caleemo saarkiisa oo ugu yaraan sagaal Madaxweyne oo Afrikan ah joogaan sida John Pombe Magufuli oo Madaxweynaha Tansaaniya, Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, Madaxweynaha Euqatorial Guinea Mr. Teodore Obiang Nguema Mbasogo, Madaxweynaha Mali Ibrahim Boubacari, Madaxweynaha Niger, Muhammad Issoufour , Idiris Deby (Madaxweynaha Chad), Edgar Lungu (Zambia), Boqor Letsie III (Lesotho), Sheekh Xasan Maxamuud (Soomalaiya), waxa uu si badheedh ah uga sheegay in reer galbeedku qorshayaal Afrika khatar ku ah wataan. Goobtan oo ay sidoo kale joogeen Madax ka kala socotay dalalka kale ee Afrika, ayaa ay ka dareereen madax reer Galbeedka ah, kadib markii uu si ba’an u dhaleeceeyey, kuna sheegay in ay guumaysi qorshaynayaan deeq-bixiyayaashu.. “Hoggaamiyayaasha Afrika waa in ay sameeyaan siyasad midaysan, sababtoo waa macquul in dib u guumaysi dhaco amma la curyaamiyo,” ayuu yidhi Museveni. Ku dhawaad 4 saacadood oo ay martidu sugaayee Madaxweynaha, waxa uu isagoo la socda madaxweyyaal kale soo galay hoolka loogu talagalay inuu ka khudbadeeyo, waxaana ka soo baxday xafladaas Maddaxweynayaasha Afrika in ay yihiin rag wayeel ah, waxaana ugu yaraa Madaxweynaha Tanzaaniya Mugafuli oo 56 jir ahaa iyo Madaxweynaha Zambia Mr. Lungu oo 59 jir ahaa, halka Madaxweynayaasha Nguema (Equatorial Guinea), Mugabe (Zimbabwe) Musavene (Uganda) iyo Deby(Chad) ay ahaayeen Madaxweynayaasha muddada ugu dheer dalalkooda xukumaayey oo 26 sanno ilaa 37 sanno ay hayseen xilalkooda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here