Berbera(Hubaal) wefti Xukuumaddu u diri lahayd Gobolka Saaxil oo gaadhsiin lahaa Deeq Dhaqaale ah oo loogu talogalay in lagu dhamaystiro Dugsiyo kuwa loo hoydo ah ayaa baaqday, kadib markii la isku mari waayey qaabka loo maamulayo munaasibada lagu wareejinayo lacagtaas.
Illaa hada ma cada goorta ay bixi doonaan weftiga Xukuumadda iyo Odayaasha Guddida Dan iyo Duco, laakiin waxa jira wadahadalo aan illaa hada midho dhalin oo ka taagan arrintan oo u dhaxeeya qayb ka mid ah Guddida iyo Xukuumadda oo isku dhan ah iyo qayb guddida Dan iyo Duco ah oo ka soo horjeeda.
Qorshaha Xukuumadda ayaa ahaa in lagu lamaaneeyo munaasibada lacagtan lagu guddoonsiinayo Guddida Dan iyo Duco taageero Gobolka looga muujiyo Xukuumadda maadaama mudadii ay jirtay wax badan Gobolka ka qabatay, balse qorshahaas wax aka hor yimi sida muuqata qaar ka mid ah Guddida oo doonaysa in lagu koobnaado oo kali ah ujeedada munaasibada oo ah Deeqda Xukuumaddu ku bixinayso Dugsiyada Dacar-budhuq iyo Dubur.
Waxa tan iyo toddobaadkan ka socda Hargeysa iyo Berbera shirar Doceedyo lagaga arrisanayo arrintan, kadib markii la xagal daaciyey heshiis markii hore la isla qaatay oo ahaa in Xukuumaddu maamusho xafladda hase yeeshee illaa hada lama xalin khilaaf danbe eek a dhashay qorshahaas