DEG-DEG: Baabuur Uu Dooxa Arabsiyo Goor Dhawayd Qaaday+HUBAAL KA AKHRI: Tirada Dad Uu La Tegey iyo Kuwo Laga Samata-bixiyey…

0
48

 

Arabsiyo- (Hubaal):- Dooxa weyn ee magaalada Arabsiyo dhanaka Soke ka soo xiga ee la yidhaahdo Huluuq,ayaa goor dhaweyd qaaday laba gaadhi oo kala ah Noha ay saarnaayeen sadex ruux iyo gaadhi qaad oo ay leedahay shirkadda qaadka ee 522 kaasoo noociisua uu ahaa shaambo,kaasoo ay isna saarnaayeen sideed qof.

Tirada dadka la waayay ayaa laka ah nin saarnaa gaadhiga qaadka ee ay leedahay shirkadda 522 oo la yidhaahdo Najax Cali Dheere iyo Dirawalkii waday gaadhiga doonahada ah oo la yidhaahdo Khadar.

Maayerka degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax oo imika waraysi kooban ku siiyay khadka tilifoonka isagoo ku sugan halka ay ka soo badbaadiyeen dadka dooxu qaadeen,ayaa yidhi.

Labada gaadhi Laga gaadhi kala ah gaadhi qaad oo ay leedahay shirkadda qaadka ee 522 waxaana saarnaa sideed qof waxaanu soo badbaadinay 7 qog oo ka mid ah dadkii gaadhigaa saarnaa waxaana maqan oo imika la la yahay nin ka mid ah shaqaalaha shirkadda qaadka ee 522 oo lagu magacaabo Najax Cali Dheere, gaadhiga labaadna waxaa uu ahaa Noha waxaana saarnaa sadex qof waxaanan ka soo badbaadinay laba ruux gaadhigaana waxaan ilaa imika la hayn oo aanu raadinaynaa dirawalkii waday oo la yidhaahdo Mukhtaar.”

maxresdefaultMaayerka degmada Arabsiyo waxaa kale oo uu farriin adag u diray dadka gaadiidka wata oo uu sheegay in aanay ahayn masuuliyaddu in ay dadka ku biimeeyaan dooxyda marka uu daadku marayo.

“Labadii gaadhi ee uu daadku qaaday way baaba,een waxaanan u soo jeedinaynaa dadka gaadiidka wadayaasha ka ah in ay masuuliyadda dadka ay sidaan eegaan oo aanay dooxyadu marka ay socdaan aanay ku biimayn,ciidanka booliskana waxaan farayaa in ay kaantaroolada ku celiyaan gaadiidka oo aanay cidina gudbi Karin inta dooxyadu socdaan.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay gumadka ay u sameeyeen dadkii ay soo badbaadiyeen oo uu sheegayu in ay dab u shideen oo ay imika xaaladoodu fiicantahay.

“Dadkii aanu soo badbaadinay dab,ayaanu u shidnay oo cunto kulul ayaanu siinay dharkiina waa laga wada bedelay imikana wey fiican yihiin.”

Tirada dadka la badbaadiyay ayaa ah 7 qof oo ka mid ah dadkii saarnaa gaadhiga qaadka iyo laba ruux oo ka mid ah sadexdii qof ee la socday gaadhiga Nohada ah.

Halka la la,yahay Najax Cali Dheere oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda Qaadka ee 522 iyo dirawalkii waday gaadhiga Nohada ah oo la yidhaahdo Mukhtaar.

 

Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Gudgude

Hargeysa Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here