Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hore u soo noqday Ra’iisalwasaare ayaa ku guulaystay madaxtinimada dalka Soomaaliya
Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tanaasulay in uu wareegga saddexaad la tartamo.
Madaxwayne Xasan oo khudbad u jeediyay xildhibaanada ayaa ku baaqay in la lala shaqeeyo madaxwaynaha cusub.
Xasan wuxuu sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii dimuqraadiyadda uuna u hambalyaynayo madaxwaynaha cusub.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isla goobtaasi lagu dhaariyay.
Khudbad uu u jeediyay xildhibaanada ayuu ugu mahadceliyay Xasan Sheekh Maxamuud sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay, waxaa kale oo uu ammaanay Shariif Xasan.
Doorashada ayaa dhacday iyadoo ammaanka aad loo adkeeyayya.
Xigasho: bbc