DEG-DEG: Madaxweyne Biixi Oo Xilal Cusub Magacaabay

0
73

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);

Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey:

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

 

  1. Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

 

  1. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

 

3.Axmed Abokor Maxamed Yuusuf:  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

 

4.Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil: Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AID

 

 

 

[

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here