Heshiiska Ay Saddexda Xisbi Qaran Caawa Qalinka Si Wadajir Ah Ugu Duugeen Ayaa U Dhignaa Sidan:
Sidaad la socotaan gogoshii wada tashiga asxaabta qaranka ee uu madaxweynuhu fidiyay isla markaana uu madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayay ee bilaabmay 20/05/2015, waxaanu yeelanay saddex kulan oo aanu ku gorfaynaynay kuna falanqaynaynay sidii mawqif midaysan looga yeelan lahaa aragtiyihii kala duwanaa ee ka dhashay go’aankii muddo kordhinta doorashooyinka ee golaha guurtida, dood dheer iyo falanqayn kadib, waxa ay asxaabta qaranku ku heshiiyeen oo ay isla waafaqeen in doorashooyinku ay qabsoomaan dabayaaqada sanadka 2016 haddii Alle yodhaahdo, intaas kadib waxa la soo jeediyay go’aankaas la isla qaatay inay fuliyeen hay’addaha dastuuriga ah ee ay khusayso arrintu si ay u noqoto go’aan qaran ahaan loo wada dhan yahay, sidaas daraadeed waxay saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMKIYE ay wada qaateen go’aamadan:
- Waxa aanu ixtiraamaynaa go’aankii golaha guurtida ee kordhinta muddo xileedka madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wakiillada, maadaama goluhu uu yahay gole dastuuriya.
- In doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilladaba ay qabsoomaan bisha December 2016
- Waxa ay saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ku talinayaan in doorashooyinku qabsoomaan badhtamaha bisha laba iyo tobnaad ee 2016, iyadoo komiishanka doorashooyinku ay soo jeedin doonaan maalinta ay qabsoomayso doorashooyinku.
- Maadaama Saddexda xisbi qaran ka heshiiyeen wakhtiga doorashooyinka waa in komiishanka doorashooyinka qarankuna soo jeediyaan maalinta qabsoomida doorashada, isla markaana waxaanu u sooo jeedinayanaa in madaxweynuhu digreeto ku ansixiyo maalinta doorashada