Hargeysa (Hubaal) Ciidamada Booliska Somaliland Ayaa Xabsiga U Taxaabay Gudoomiyihii Wargeyska Iyo Shabakadda Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal.
Xadhiga wariye Muniir ayaa sida aanu warkan ku helnay ka dambeeyay Weerar lagu qaaday aqoonyahan Jaamac Jiir gelinkii hore ee maanta, kaasi oo ay fuliyeen koox uu Ex. Wasiir Xirsi ku qadhaabto, kuwaas dhibsaday qoraallo uu aqoonyahanku aragtidiisa ku cabiray oo la xidhiidha xisbiga WADDANI.
Aqoonahan Jaamac Cilmi Jiir oo caan ku ah qoraallada iyo soo bandhigidda aragtidiisa dhinaca siyaasadda, ayaa waxa dhaawacyo culus oo heer jabniin ah soo gaadhsiiyey gacan-yareyaal saaxiib dhaw la ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan. Balse majiro war rasmi ah oo ciidanka booliska kasoo baxay oo la xidhiidha xadhiga Wariyahan.