“Aniga Oo U Tudhaya Shacabka, Nabadgalyada Qaranka Waxaan Qaatay Natiijada Doorashada ee Kumishenku Ku Dhawaaqay.” Cabdiraxmaan-cirro
Hargeysa(Hubaal):-Masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa goordhaweyd soo gabagabeeyey shir saacadihii ugu dambeeyey uga socday Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa. Shirkan oo masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ay kaga arinsanayeen natiijada ay saluugeen ee ka soo baxday guddida doorashooyinka somaliland ayey ugu dambayn sheegeen inay qaataan.
Murashax Cabdiraxmaan Cirro oo markii shirku dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga oo eegaya danta shacabka somaliland uu qaatay natiijada doorashada.
“Aniga oo u tudhaya shacabka, nabad galyada qaranka oo aanan ogolayn la daadiyo dhiigga shacabkayga waxaan qaatay natiijada doorashada.”ayuu yidhi murashax Cirro