Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo goordhaweyd shirjara’id ku qabtay xarunta xisbigaasi, ayaa sheegay in cisbigiisu uu kalsoonidii kalanoqday Komishenka doorashooyinka.
Cabdiraxmaan-cirro waxa uu ku Sababbeeyay, kadib markii xisbigu cabasho u gudbiyey madaxweynaha Somaliland, taas oo ay kaga cabanayeen qaabkii ay u dhacday doorashadii dhammaadkii sanadkii tegay ka qabsoontay dalka.
Waxa uu ku baaqay in gebi ahaanba la kala diro xubnaha komishenka Doorsahada, mid cusubna si dhakhso loo dhiso.