DEG-DEG: Xukuumadda Somaliland Oo Caawa Fiidkii Xabsiga Dhigtay Boqor Cismaan Buur-madow+Faahfaahin ku saabsan Xadhigiisa

0
34
Muuqaalka Boqor Buurmadow oo ku sugan xafladii caleemosaarka beeldaajiyaha reer Puntland

 

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa Caawa fiidkii xabsiga dhigtay Boqor Cismaan Aw  Maxamuud (Buurmadow) oo ka tirsan madax dhaqameedka reer somaliland. Xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ay wargeyska HUBAAL u xaqiijiyeen ilo wareedyo  goob joog ahaa markii la xidhayay Boqorka caawa isaga oo ku sugan Hotel Maansoor ee magaallada Hargeysa ayaa intaa ku daray in goor sii horreysay oo fiidkii ah ay unug ka tirsan ciidammada sida gaarka ah u tabobaran ee loo yaqaanno RRU-du ay soo Qabteen Boqorka kuwaas oo sida warku tibaaxay fulinay amar xukuumadda dhexe ka soo baxay oo faraya in xabsiga loo taxaabo Boqorka iyada oo xadhigiisu daba socdo hadal xanaf iyo xasaasiyad ka dhex abuuray bulshada Somaliland oo uu ka yidhi xaflad ay isaga iyo xubno madax dhaqameed ah oo kale kaqayb galeen oo ka dhacday Puntland taasi oo lagu caleemo saarayay beel-daajiye deegaankaas ka soo jeeda.

Xafladaas oo  horaantii toddobaadkan ka qabsoontay deegaanka Puntland ayaa madax dhaqameedkii lagu casuumay waxaa kamid ahaa Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow iyo xubno kale oo weheliyey kuwaas oo sheegay inay metelayaan isla markaana kaga qayb galayaan xafladda magaca qaranka iyo ummada reer Somaliland isla markaana ay ku socdaan talo qaran.

Hadalka uu Buurmadow ka jeediyey xafladaas  ayaa waxyaabihii uu ku soo qaatay waxaa kamid ahayd xiisadda ka taagan deegaannada Bariga Somaliland  gaar ahaanna jiidda hore ee ay ciidammada qaranka Dalku fadhiyaan taasi oo uus heegay in ay xukuumadda Somaliland ka sidaan isla markaana ergo kaga yihiin madaxweyne Muuse in maamul goboleedka  Garoowe ay ciidamadooda dib uga qaadaan halka ay hadda fadhiyaan taas badalkeedana ay ciidamada qaranka ee Somaliland dib uga soo ruqaansan doonaan deegaanka Tuko  raq.

Hadalkaas oo markii ay warbaahinta ka maqleen isla markaana ka daawadeen shacbiga Somaliland guux badan ku dhalisay ayaa si adag u duray boqorka iyo xubnaha kale ee ka qayb galay xafladaasba iyaga ooxukuumadda Somaliland ka dalbaday in ay mawqifkeeda arrintaas ku saabsan caddayso.

Xadhigani waxaa uu ku soo beegmay xilli ay maanta malleeshiyo ka tirsan ciidanka Puntland ay rasaas  dhuumasho ah ku rideen guuto ka tirsan Ciidammada qaranka Somaliland ee saldhigoodu yahay jiida Tuko-raq.

Wixii warar ah ee ka soo kordha xadhiga Boqorka kala soco warqabadka HUBAAL

Muuqaalka Boqor Buurmadow oo ku sugan xafladii caleemosaarka beeldaajiyaha reer Puntland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here