Madaxweyne Siilaanyo Oo Goor Dhawayd Soo Dhaweeyey Gacan-saydhka Tiimbaro Ku Quudhsaday Xilka Loo Magacaabay
Hargeysa (Hubaal)- Warsaxaafadeed goor dhawayd kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lag shaaciyey In Madaxweyne Siilaanyo ku Aqbalay diidmada kasoo yeedhay Siyaasiga Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo kamid ahaa xubnihii xalay xilalka uu u magacaabay, isaga oo gaar ahaan uu Madaxweynuhu u magacaabay inuu noqdo Baadhasaabka cusub ee Gobolka Maroodijeex. Aqbalaada Madaxweynaha oo daba socotay hadal uu warbaahinta ka sheegay Mr. Tiimbaro ayaa lagu shaaciyey in madaxweynuhu aqbalada xildiidnimadiisa. Nuqul kamid ah war saxaafadeedkaas oo Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr) afhayeenka Madaxtoodadu ku saxeexan yahay oo soo gaadhay Wargeyska HUBAAL waxaa uu u dhignaa sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon. Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-
Ujeeddo: Aqbalaad Istiqaalad
Ku: Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)
Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa
Mudane,
Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.
Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.