Degdeg: Waa Kuma Baadhasaabka Cusub Ee Madaxweynuhu Galabta U Magacaabay Gobolka Maroodi-jeex
WAR-SAXAAFADEED: – 18/01/2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Dhinaca kale Baadhasaabka Cusub ee Hargeysa Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) oo ah nin dhalinyaro ah waxaa uu ka mid ahaa da’yarta saaxada siyaasadda ku dhex jirtay muddooyinkii u dembeeyey, waxaanu ka mid ahaan jiray xisbiga KULMIYE waqtigii uu Mucaaridka ahaa, isaga oo xubin ka ahaan jiray urur dhalinyaro oo afgarad la odhan jiray oo ay madax ka ahaayeen aqoonyahanno dhalinyaro ahi, kaasi oo aragti ahaan taageeri jiray xisbiga KULMIYE. Waqtigii uu madaxsweyne siilaanyo talada la wareegay ee la furay axsaabta siyaasaddana waxaa uu ka mid ahaa aasaaseyaashii urur siyaasadeedkii NASIYE oo uu guddoomiye ku xigeenka noqday walow markii dembe uu xisbigaasi saqiiray oo aanu raad qaadmin. intaa kadib waxaa uu Mr. Buraalle ka mid ahaa masuuliyiintii ururka xaqsoor ee kamid ahaa ururradii ka qayb galay doorashadii golaha deegaanka, kaasi oo uu hoggaaminayay muj. Xasan Ciise, nasiib darro se ururka xaqsoor kama uu mid ahayn ururrada ku guulaystay xisbinimada.
intii ka dembeysay xilligaas waxaa uu Mr. Buraalle si dadban uga mid ahaa gacan yareyaashii iyo saaxiibadii dhegaha fududaa ee wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada haatanna ah hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, isaga oo Baadhasaabka cusub ee la magacaabay ka mid ahaan jiray taageerayaasha Wasiir Xirsi in kastoo markii uu is casilay Xirsi uu ka hadhay isla markaana uu mabda ahaan iyo mawqif ahanba ku hadhay xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.