Hargeysa-(Hubaal)-Shir caawa todobadii iyo badhkii cawaysnimo loo ballansanaa in uu ka dhaco qasriga Madaxtooyadda oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ku dhexdhexaadinayay dhinacyada khilaafku ka dhex taagan yahay ee xisbul xaakimka KULMIYE, ayaa caawa baaqday, kaddib markii xubnihii matalayaay garabka isbahaysiga musharaxiintu ay qaadaceen kuna gacan saydheen in ay kulankan caawa ka soo qeyb galaan, sidaana waxa Hubaal, u xaqiijiyay illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow madaxtooyada.
Warku waxa uu intaa ku daray in xubnaha qaadacay ka qeyb galka kulankan caawa baaqday ee matalayay garabka lsbahaysiga musharaxiintu ay kala ahaayeen
Guudooiye ku xigeenadda Labaad iyo Seddexaad, ee xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, iyo Xildhibaan Waabeeye, Cabdikariin Xannif, Iyo Xildhibaan Cali Aw Yuusuf. Illaa si cad umay shaacin xubnaha kulankan qaadacay sababaha dhabta ah ee ku kelifay in ku gacan saydhka in ay kulankan ka qeyb galaan.
Dhinaca kale, waxa xarunta qasriga madaxtooyadda ee la qoondeey in uu kalulnkani ka qabsoomo caawa ka soo xaadiray oo kaliya xubnihii matalaayay hogaanka sare ee xisbiga oo ay matalayeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna musharaxa Madaxweynaha xisbiga, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf.
Diidmadda kulankan ayaa noqonaysa markii labaad ee ay garabka musharixiinta u matalayay kulankani ay qaadacaan madasha uu Madaxweynaha Somaliland, ku dhexdhexaadinayay labada dhinac, isaga oo madaxweynuhu hore u kulamo gaar gaar ah ula soo yeeshay dhinacyadan xisbiga ee khilaafku ka dhaxeeyo.