Hargeysa (Hubaal) Degmada Tog-wajaale ee gobolka Gabiley ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ka jiray xaalad nabadgelyo xumo xoogleh, oo sababtay dhimashada wiil dhalinyaro ah oo uu tooray ku dilay wiil kale oo dhalinyaro ah. Inkasta oo dilkaasi ay ka heshiiyeen labadii dhinac ay ka soo kala jeedeen marxuumka iyo gacan ku dhiigluhu, hadana wali degmada Toj-wajaale waxa ka taagan xaalad ,cabsi ah oo soo foodsaartay, bulshada rayidka ee halkaasi kunool,kuwaas oo cabsi wayn ka qaba kooxo dhalin yaro ah oo habeenkii ku kaca dil, baadhasho iyo boob, ay ku hayaan ganacsatada iyo dadka ku sugan suuqa ganacsiga ee magaaladda Wajaale. Qaar ka mid ah dadka waayeelka ah ee ku nool magaaalada Tog-wajaale oo ka cudur daartay sababo amni dartood inaan magacyadooda la baahin oo arintan walaaca ka muujiyey ayaa sheegay in amuurtan budhcadnimadu, ay degaanka ka bilaabantay kadib markii ay istaageen ama la joojiyey ka ganacsigii tahriibinta dadka Itoobiyaanka ah ee qoomiyada Oromada u badanaa oo degmada Tog-wajaale lagaga soo daad gurayn jiray gaadiidka Noohooyinka ee khanida loo yaqaan, kuwaasi oo laga qaadi jiray lacago badano oo dhalinyaradani ku qabeen kharash badan oo ahaa xaga isku xidhka tahriibayaasha iyo gaadiidlayda.
Nabad-doonka ku dhaqan degeenkaasi sidoo kale waxay Sheegeen in dhalinyaradaasi ku mamay lacagahaasi ay ka qaadan jireen shaqadii laga soo afjaray ee ka ganacsiga dadka ay haatan bilaabeen, boob, jid-gooyooyin, dil iyo budhcadnimo ay ka sameeyaan degaanka, taas oo ku faaftay guud ahanba degmada Tog-wajaale.
Dhanka kale Maamulka degmada Toj-waaale oo kaashanaya Odayaasha degaanka ayaa bilaabay hawlgallo kala duwan oo la doonayo in wax lagaga qabto, balse sida warar xogogaal ahi noo xaqiijiyeen waxa meesha ka maqan wada shaqayntii maamulka degmada iyo guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise shine oo sababtay inay xaalada nabadgalyo ee degmada Toj-wajaae ay faraha ka sii baxdo, ka dib markii maamulka degmada Toj-wajaale ay ka codsadeen guddoomiyaha gobolka inay u baahanyihiin ciidan xoojin ah oo kala hawlgalla soo qabqabashada dhalinyarada, ayaa guddoomiye Mustafe Shiine kaga jawaabay dalabka degmada Wajaale, in uu amar ku siiyo taliyaha qaybta booliska ee gobolka Gabiley inuu soo qaado 10 askari oo ka mid ah saldhiga Wajaale isagoo ku sababeeyey inay ka qaybgallayaan tababar muhiim ah. Qaadista 10-kan askari ee ka tirsanaa booliska degmada Wajaale ayaa noqotay mid niyad jab ku keentay maamulka degmada iyo odayaashii ku hawlanaa, sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa dhalinayrada budhcada ah ee ka dilaacday degmada Tog-wajaale.
Dhanka kale Mustafe Cabdi Ciise Shiine, guddoomiyaha gobolka Gabiley ayaa la sheegay inuu ku hawlan yahay sidii maamulka degmada Tog-jwajaale loogu samayn lahaa baadhis musuq-maasuq, iyadoo ay kooban tahay muddada uu xilka hayo guddoomiyaha cusub ee degmada Tog-wajaale oo ay haatan ka soo wareegtay 20 maalmood oo qudha. Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in tallaabooyinka iyo ficilada gudoomiye Mustafe Shiine ay ka xumaadeen dhamaan odayaasha, waxgaradka iyo maamulka degmada Tog-wajaale, kuwaas oo la filayo inay usoo kicitimaan caasimada Hargeysa si ay ula kulmaan masuuliyiinta wasaarada arrimaha gudaha, oo ku shaqo leh amniga iyo nabadgalyada guud ahaanba dalka.
By: Cabdi Maxamed Cali
Somaliland, Tog-wajaale