W/Q; Mawliid Aadan Cumar
Wasiir xirsi Wuxuu qaranimadii iyo nidaamkii dawladnimo u fahamay Habka Waayo aragnimadiisa Maamul ku dhisan tahay oo ah shirkadaha gaarka loo leeyahay oo shaqadoodu tahay macaash raadis , markaa waxaan leeyahay wasiir xirsi waxaad wasiir qaran noqoteen adiga iyo rag badan oo golaha wasiirada dhaxfadhiyaa idinkoo xataa wax fikir ah aan Ka haysan sharciga qaranka somaliland boqol iyo sodonkiisa Qodob waxay xambaarsan yihiin, Hadaba halku dhiga maqaalkan oo jawaab u ah weedho si jees jees ah uu warbaahinta uga yidhi wasiir xirsi todobaadkii hore mar uu safar ugu maqnaa shirkado fadhigoodu yahay Imaaradka oo sida uu sheegay Isaga iyo dhowr wasiir ay wadahadal maalgalineed oo Dekeda Berbera ah layeeshen.
Sidaasi awgeed hadalkaa wasiir xirsi uu warbaahinta Ka yidhi oo ahaa hadal Ka reeban hadal masuul qaran ugudbiyo shacabkiisa balse ku haboonaa hadal qof Dilaal ahi yidhaahdo .
Waxa uu wasiir xirsi yidhi (Dekeda Berbera waxaan ku samaynaynaa balaadhin oo waxaanu u raadinaynaa maalgalin ee Dekeda jeebkayaga ku ridanmayno )
Hadaba murtibaa ahayd “Nimay meeli u cadahay meeli Ka madow ” ee wasiir xirsi waxaan leeyahay Wuxuu afku Kaa boobay Wixi laabtaada ku qarsoonaye wasiir waxaad tahay wasiir qaran oo masuul u ah guud ahaan shacabka somaliland muxaafid iyo mucaaridba sidaasi awgeed Qaranimada soamaliland na maaha shirkad ganacsi ee qaran madax banaan oo leh sharci ay ku cad yihiin dhamaan dibadeed mid ganacsi iyo mid maalgalineed sida ku qeexan Qodobka 10aad ee Dastuurka Faqradihiisa 1aad & 2aad .
oo u dhigan sidan (1. Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore loo odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliand.
- Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}.)
Sidaasi darteed waxaad wasiir dib ugu noqotaa heshiisyadii xukuumadihii hore Galeen, shirkadihii maalgalinta iyo macdan Baadhista la ordaayay balse xaqiiqada lama dhaafanka ahi noqotay inay Ka gudbi waayaan xakamaha sharciga caalamiga ah ee Qaramada Midoobay oo Dastuurkeenana ku qeexan ee ku xusan Qodobka 10aad Faqradihiisa koowad iyo labaad ,Hadaba waxaan mudane wasiir xirsiyow aqoon ahaan iyo sharci ahaanba kugu kordhinayaa , ma arkayno Aqoonsiga somaliland Ka hor shirkado here caalami ah oo maalgalin iyo macdan Baadhi dalkeenan Ka hirgalisa balse maalinta layna aqoonsado waad arki doontaa kun shirkadood oo baryootamaya Allah haynagu simee
WA BILAAHI TAWFIIQ
Mowliid Aadan Cumar