Dekedda Berbera: Jahannabaan Janno Ku Beddelayaa- W/Q: Eng. Muhyadiin Yousuf Ibrahim

0
45

AALADDA DEKEDDA BERBERA

Dekedda Berberi waxay dalkayga Somaliland, dadkiisa iyo xukumaddiisa ba ugu jirtaa halka laf-dhabartu ugu jirto qofka bani-aadamka ah. Dekedda Berberi waxay dabooshaa saddex meelood laba (2/3) baahiyaha xukuumadeed iyo kuwa shacbi.

Berbera

25 kii sanno ee Somaliland ahayd dal madax bannaan may helin dekaddu wax dayac tir ah oo aan ka buurnayn gidaar nuurad iyo rinji la mariyo, may helin wax qalab ah oo si hufan u fudaydiya hawlaha ka socda dekedda si ay u kasbato wadammada jaarka aynu nahay.

Dekeddu 25 kaa sanno horumar la taabto oo macno weyn u leh dalka iyo mandaqadda ay ku nool nahay ba, waxayna taagan tay halki u Siyaad Barre kaga tagay 1991 ka hor.

XAALADDA SHAQAALAHA DEKEDDA

In ka badan 5000 oo qof aya u kallaha oo u shaqo taga dekedda Berbera. Marka sida xaqiiqda ah loo sheegana, qofka ugu mushaharka sarreeya wuxuu u xaadiraa 1,400,000 SlSh (Hal Milyan Afar boqol oo Kun, Somaliland Shillin) una dhiganta $200 (Laba Boqol oo dollar).

Mushaharka ka ay helaan shaqaalaha dekeddu maaha mid kaafiya ama ba uu ku noolaan karo qoys ay u dheertay xaaladaha cimilo ee xeebed.

  1. Shaqaalaha dekeddu ma helaan wax daryeel cafimaad ah ama kharash ay ku dabbaraan wixii ku soo kordha ee cafimaad darro ah.

  1. Shaqalaaha dekeddu ma helaan wax horumarin ah dhanka waxbarashada ama farsamada gacanta oo gadhsiisan heer ay la jaan-qaadi karaan kuwa dhiggooda ah ee dekedaha caalamka ka hawl-gala.

  1. Shaqalaaha dekeddu ma helaan wax dallacaad ah ( Promotion) si loo kobciyo niyaddooda iyo hammigooda si ay u wanaajiyan shaqadooda

  1. Shaqaalaha dekeddu waa dhibbanayaal qaran oo xaqqooda ay duudsiyeen in ka yar 15 shaqsi.

MIXNADDA SARAAKIISHA DEKEDDA

Ku dul-noolaanshaha (Parasite) shaqaale weynaha Dekedu, waa mid soo jiray rubuc qarniga aynu xorta iyo dalka ahayn, waa na hab soo jireen ah oo dhaxal siiyey shaqsiyaad in ay isa siiyan dekedda qaranka una arkaan wax ay ummada reer Somaliland iyo shaqaalaha  dekedda ba ka xigaan.

Markasta oo is beddal dhanka wanaagsan ahi ku so fool yeesho dekedda, waxay istaadhaan shaqsiyadkaasi dacaayado abuura guux ila heer gobol gaadha (Saaxil), iyagoo u dhigaya, in danta reer Berbera laga saarayo meesha oo cidkale la rabo in loo dhigo naaskay iyagu jaqaayen.

In badan way u suurto gashay wayna u fushay siday rabeen, waxayna noqotay toodi ila maantana iyaga ayaa ka arrimiya masiirka ummada ku dhaqan Berbera iyo shaqaalaha dekedda Berbera. Waxay se leekaysiiyaan masiirka ummada iyo shaqaalaha danahooda shaqsiyadeed.

Saraakiishaasi waxay handidaad iyo madax jabin ku hayaan shaqaale weynaha dekedda Berbera umana ogolaadan xorriyad ay kaga dhex shaqeeyan dekeda. Haddaan iyaga marka la so galaayo la soo salaamin marka la baxaayana la si salaamin. oon la odhan SIR (Mudane).

JAHANNABAAN JANNO KU BADDALI RABAA ( Maal-gashiga Dekedda Berbera)

Dhawaan xukuumadda hadda tallada haysaa waxay heshiis la soo gashay shirkadda DP World oo ah shirkad ka hawl-gasha 110 dal oo ku kala yaala dhamaan daafaha Adduunka. In ka badan 40 kun oo shaqaale ah aya hoos taga shirkada DP World.

DP World waa shirkadaha ugu samacadda badan Adduunka, dal kastaa na jecel yahay in mar uun shirkadda ni dhankooda soo eegto si ay ugu furto ilo cusub oo dhaqaale oo kaaba dhaqaalaha bulshadooda.

Shirkadda DP World ee hada gacanta ku dhigtay dekeda Berbera waxa si toos ah uga faa’iidi doona shaqaalaha hada ku jira xayndaabka dekedda iyo bulshada ku nool Bebera

MAXAA LAGA FILAYAA DP WORLD?

  1. Ina ay kor u qaaddo mushaharka dhammaan shaqaalaha dekadda

  1. In ay kor u qaaddo heerka waxbarasho iyo farsamo ee shaqaalaha dekadda

  1. In ay siiso xuquuq dhammaan shaqaalaha dekadda

  1. In ay shirkadda DP world kobciso dhaqaalaha degmada Berbera

  1. In ay soo jiiddo ama soo hor kacdo maalgashi kale oo ka dhaca magaalada berbera.

Hadi aynu ka wayno waxa aynu ka rabno DP World, ugu yaraan waxa aan inna gaadhayn wixi inna gaadhay 25 kii sanno ee  hadimo iyo dhib ahayd.

Reer Berberaw bal isweydiiya:-

  1. 25 kii Sanno ma kaga soo baxay Ganacsade wayni dekedda?

  1. Ma haysaan 10 Wiil/Gabdhood oo waxbarasho dibadeed ay dekeddu u dirtay?

  1. Ma haysaan arrimo bulsho oo si cad dekeddu u kabto oo lagu diirsado?

Intaa haddaanad ku qabin maxaa kaaga cabba hor jooggeda?

Shacbi ahaan waxaynu DP World ka filaynaa, in hadimadi iyo dhibkii aynu ku qabnay Saraakiisha dekedda iska yeeshay ay meesha ka saarto oo ay noqoto wakaalad ilaalisa xuquuqda shaqaalaha kor na u qaadda mushahaarada shaqaalaha isla mar ahaantaa na abuurta jawi niyad-sami ah oo shaqaaluhu u gudan karaan hawshooda iyago madaxoodu sarreeyo.

Haddii heshiishkaasi si hufan oo danaysi ka madhan u hir-galo cidda ugu horreysa ee faa’iiday waa Shaqalaaha dekedda Berbera iyo Bulshada Berbera ku dhaqan, waxayna ka baxayaan arrinkii ahaa gacan-ku-rimiska 15 ka shaqsi iyo amar-ku-taaglaynti saraakishu ku hayeen. Shaqaluhu na wuxuu yeelan doonaa xuquuq, wuxuu na garan karaa wuxuu ku waayi karo shaqadiisa oon ahayn raali galinta iyo is tuska maamulka.

SO JEEDIN

Dekeda Berberi waa marinka qudha ee Dhar iyo Dhuuniba ino so maro waa isha kaliye Qaran keena ku dhisnay ma haboona in si aan hubsimo lahayn gacanta aynu ugu galino cid aan ino tudhayn oo horeba ino cuno qabataysay (Carab).

Xukumadu waa in ay lafo gurta heshiishka ay la galayso aayaha Qaranka oo ay ka dayso huursiga iyo qarsodiga shacabkana ka shaki saarto mad madowga jira

Golaha Wakiiladu waa in ay si foojigan howhsan uga howl gala oo an jeebka danbe wax lo galin

Deegaanta noloshiyo

Darantiyo samaantana

Ninkii doonayoow taas

Daw loo maraa jira

Umad yahay daryeelkaa

isku duubnidaa iyo

Adigiyo dedaalkaa

Dawadaadu waa taas

Dhan hadday ka debecdana

Gabbalkaa dam weeyaan

Ma dardaaran baa hadhay

Deexashada tusaalaha

Ama talada deeqda ah

Miyaad dood ka leedahay…… (Hadraawi)

W/Q  Eng Muhyadiin Yousuf Ibrahim

Muxyo04@gmail.com / 4464721

Hargeisa- Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here