Goobta Uu Dabku Ka Kacay Waa Barxadda La DHigo Koonteynarrada Oo Ahayd Goobtii Uu Markii Horena Dabku Ka KAcay
Berbera (Hubaal) – Xalay Cawayskii ayay ahayd markii uu dab ka kacay barxada Wajaale oo ka mid ah dekada Berbera isla markaana la dhigo konteenarada . weli wax faahfaahin ah lagama hayo sababta uu dabkaasi u dhashey balse dabka ayaa ka kacay hal Koonteenar oo goobtaasi yeelay kaas oo markii dembe lagu guulaystay in la bakhtiiyo. Ciidanka dabdamiska Dawlada Hoose ayaaa isla markiiba u gurmadey isla markaana bakhtiiyey dabkaas isaga oo aan wax khasaare ah geysan hase yeeshee muuqaallo sawirro ah oo warbaahintu xalay heshay ayaa muujinaya baaxadda dabkaasi lahaa oo ololkiisu meel sare gaadhay. Waa markii labaad ee muddo bil ah gudaheed uu dab ka kaco qeybo ka mid ah dekada Berbera balse ilaa hada lama aqoonsana sababta dabkaasi dhalineysa.