arrinta ka taagan gobolka Saaxil ee magaaladda Berbera gaar ahaan marsada caalamiga ah ee Berbera oo xukuumaddu damacsan tahay inay shirkad gaar ah ku wareejiso iyadoo muddo xileedkeeduna gaaban yahay,halkaas oo dadweynaha reer Berebera guud ahaana reer Saaxil ay ganafka ku dhufteen,isla markaana cod dheer kaga soo horjeesteen qorshaha xukuumaddu wadato.
hadaba Mujaahid Cali Xaraaro ayaa arrintan u soo qaatay tix uu ku salaysiiyay talaabooyinka saambuusa laga eedaamay ah ee xukuumaddan gabalkeedu sii dhacayo kula meeraysanayso dekedda Berbera, waana tan ee daalacasho wacan
Saaxil oon dagaal xumi ka dhicin, digiyo baaruudi
deyr baaba lagu meersadoo, loo dabaal degeye
dalxiisna waaba loo tagaa, lagu dabaashaaye
siilaanyo siduu damacsanaa, loo diyaafadi
dekedii berbera iyo haamihii, laysku dacareeye
duunyada la diray iyo dakhligoo, wada durduuraaya
Isagoo diilintii iyo dacalki, soo muuqdo
doolarkoo hortiina lagu booba, yaad wada dul joogtaan
dilaalna kama soo heshaan, waana dubataan
dulmiga la falay duunyada, la dhacay dumarka ooyaaya
da yartan derbiyada kuududee, debinta ruugeysa
agoontan ilmada duugeysee, diilal yadu hayso
aleylehe damiirkaa damqaday, iyo diirka oogada e
dedaalse waan jeclaa, xaalad aad dib u jaleecdaane
dad yahaw ka kaca meeshan, aad dadar ku ruugeysaan
la soco…………………….
Mujaahid Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraaro)