Wasiirkii Hore Ee Khaarajiga Oo Ku Eedeeyay Wasiirka Madaxtooyada Inuu Ka Shaqaynayo Burburinta Somaliland

0
31

Shabakadda siraha faafisa ee Wikileaks ayaa dhawaan soo bandhigtay siro la xidhiidha heshiis ay wada galeen Somaliland Iyo Somalia iyo sidoo maamulka Puntland.

Hadaba wasiirkii hore ee khaarajiga Somaliland Maxamed cabdilaahi Cumar oo telefiishanka Star ugu waramay khadka telefoonka ayaa sheegay in siraha noocaas ah uu bixinteeda iska leeyahay wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan kaas oo uu ku eedeeyay inuu yahay aabaha burburinta Somaliland isla markaana uu yahay nabar ku yaal xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaana mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar uu sidoo kale ku eedeeyay wasiirka Madaxtooyada in uu qayb ka yahay borobogaando wax lagaga sheegayo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isagoo Xirsi ku tilmaamay nabar weyn ku dhex yaala xukuumadda Siilaanyo.

DAAWO Warbixintan oo intaas ka sii faahfaahsan:

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here