Deni Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Wareegtooyinkii Uu Soo Saaray Axmed Karaash

0
9

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay wareegtooyin uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland kaas uu ku magacaabay agaasimeyaal iyo guddoomiyaha gobolka Mudug.

Deni oo cuskanaya dastuurka ayaa yidhi sidatan “Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya”

Wuxuu ugu baaqay hay’adaha dowladda ay khuseyso arrintani in aanay u hoggaansamin wareegtooyinka uu soo saaray Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash)

“Waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland” ayuu yidhi Deni oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebook.

Xigasho: BBC Somali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here