Dhaarinta Xildhibaannada Cusub Ee Soomaaliya Oo Kusoo Beegantay Xilli Ay Xaallada Muqdisho Faraha Kasii Baxayso

0
57

SArkaal Ka Tirsan Ciidammada Bilayska Soomaaliya Oo Ciddi Farteed Kaga Bedbaaday Qarax Lala Beegsaday Baabuurkiisa Oo Ku Sugnaa Makhaayada the Village ee Muqdisho

qarax

Muqdisho (Hubaal) –  Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay Qarax Shalay subaxnimadii  ka dhacay magaalada Muqdishu ee wadanka Soomaaliya kaasi oo lala maaganaa in lagu dilo saraakiil boolis ah.

Col Maxameed Daahir [Waliyow Cadde]  oo saraakiisha  ciidamada  Booliska oo isagu  si dirqi ah kaga badbaaday Qaraxan oo Ismiidaamin ahaa, ayaa waxaa fuliyey  nin watay baabuur lagu soo xidhay walxaha qarxa kaasi oo si toos ah u beegsaday makhaayadda loo yaqaanno  the

Village, xilli halkaasi uu marayay Gaadhi uu watay Col. Maxamed Daahir. Qaraxa kadib mar uu Taliye Maxa’ed Daahir  Warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarkan, balse laba kamid ah ilaaladiisu ay ku dhaawacmeen.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa, oo kusoo beegmayo xilli la isu diyaarinayo dhaarinta mudanayaasha Barlamanka Federaalka Somalia.

Ammaanka Muqdishu, ayaa sii xumaaday kadib markii ay soo dhawaatay waqtiga la qabanayo doorashooyinka Barlamaan iyo madaxtinimo ee Somalia.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here