Dhaawaca Wiil Dhalinyar Ah oo Ay Shalay Ciidammada Ammaanku Ku Xabbadeeyeen Xaafadda Daami
Hargeysa (Hubaal)- WArarka ka imanaya xaafadda daami ee degmada Gacan Libaax ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in shalay uu dhaawacamay wiil yar oo dhalin yar ah kadib markii rasaas ay ciidammada Boolisku ku rideen kaga dhacday gacanta iyo madaxa.
Wiilkan oo lagu magacaabao Axmed Maxamed Saxardiid ayaa la sheegay in ay rasaastu haleeshay kadib markii ay laba kooxood oo ciyaalka xaafadda ahi isku dhaceen, halkaasna ay rabshadi ka bilaabantay. Wiilkan yar ayaa hadda xaaladdiisa lagula tacaalayaa cisbitaalka Hargeysa. Dhinaca kale Marjiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca ciidammada ammaanka oo la xidhiidha dhacdadan shalay hase yeeshee waxa ay ku soo beegmaysaa xilli ay toddobaadkan uu geeriyooday wiil yar oo maxbuus ku ahaa saldhiga Ibraahim Koodbuur kaas oo askarigii heeganka ku jiray ku riday rasaas uu markii dembe u geeriyooday. Sidoo kalena rabshad toddobaadkii hore dhimasho iyo dhaawac sababtay oo iidammada ammaanku ku gelalafeen qoys degan xaafadda Jigjiga yar ayaa wiil yar oo aan toban jir gaadhini u geeriyooday rasaas foolka hore [wejiga] kaga dhacday, halka qaar kale oo qoyska ka tirsanaa ay iyaguna hadda dhaawac u jiifaan.