Dhaawacyada Dagaalkii Dharkeyn-Geeye Oo Colaadda Dhalisay Siyaasad Ku Xidhiidhiyey

0
36

Hargeysa  (Hubaal) – Qaar ka mida dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka socday Deegaanka Dharkayn-geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool ayaa sheegay inay colaadaasi hurinayaan masuuliyiin arrimo siyaasadeed shacabka uga Faa’ideysanaya. Dhaawacyada dadka oo lagu daweynayo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ayaa Telifishanka Star u sheegay in loo baahanyahay in deegaanadaasi ay dawladu u gurmato islamarkaana ay awooddeeda ku maamusha si nabad Looga dhaliyo deegaankaas. warka-1“Waxaanu leenahay dawladu waa inay tagtaa waddankii ay wax ka jireen  oo ay u gurmato, gacanteeda iyo awooddeedana wax lagaga qabto, dad waxaan odhan lahaa dib isku laabta xabadi xal maaha, wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho”ayuu yidhi mid ka mida dadka dhaawaca ee Cisbitaalka lagu daweynayay. Waxaa kale,  oo isna colaadahaasi ka hadlay nin dhaawac ah oo Cisbitaalka Jiifay oo sheegay in dagaaladaasi siyaasiyiin dabada ka wado waxaanu yidhi “waxaan leeyahay cid isku keen dhaantaa ma jirto, waxaan farayaa inaynu nahay dad walaalo, tol ah oo islaam ah, dadka masuuliyiinta ee dagaalka dabada kasoo riixayoow waxaan idiin sheegayaa inaad ka daysaan dadka aad siyaasada u adeegsanaysaan”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here