Dhacdooyin Ku Cusub Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Sannadkan Oo Natiijadoodu Fashilantay

0
127

Macalimiin Fududeeyey Qishka Imtixaanka Oo Gudaha La Dhigay Iyo Arday Maxaabiis Ah Oo Imtixaanka Ka Qayb-gashay

astaanta qishka

Hargeysa (Hubaal)-Ciidamada Booliska magaalada Berbera ayaa xabsiga u taxaabay Macalimiin fududaynayey qishka Imtixaanka shahaadiga ah ee ka socda Somaliland,sidoo kalena waxa iyaguna imtixaanaadka shahaadiga ah u fadhiistay arday maxaabiis ah oo ku jira jeelasha dalka.

Arrinkan ayaa waxa si adag uga hadlay wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habbane oo sheegay inay ciidammada amamanku xabsiga dhigeen labamacalin oo katirsan gobolka Saaxil kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay fududeeyeen qishka halka macalin kalena ay ciidanku ku daba jiraan.  Wasiir Habanne oo arrimahaasi warbaahinta uga warramay waxaa uu yidhi  “Berbera waxaa ka dhacay in markii la galayay imtixaankii maadada diiniga in Whats App lagu sawirray oo la diray arrintaasna saddex macalinbaa ka shaqeeyey, saddexdaasi waxaa ay ku qornaayeen inay ilaaliyaan dugsiga dhexe, kadibna intay ardaydii dhex galeen ayay ku yidhaahdeen guddoomiyaha waxbarashadu waa uu idin saaqidinayaa, wasaaradda waxbarashadu way idin saaqidinaysaa, gobol heblaayo waa laga eeganayaaiyo arrimo kale ayay ku dhex nashuushadeeyeen ardayda ee lacag iska soo ururiya annaga ayaa idinla shaqaynayna’e, kadibna lacag kun dollar ku dhaw bay ardaydii ka qaadeen, dabadeedna waa kuwan loo sawiray ee ka soo shaqeeyey, isaga oo kadib daaqada ka soo gelinaya warqaddii imtixaanka ee ay kasoo shaqeeyeen ayaa la qabtay kii u horreeyey, macalinkii labaad baahaddana isku dayay markii xiisaddii labaad la galayay kina waala eryadoo gidaar buu afka geliyoo waa la qabtay, immika markaa laba ayaa jeelka ku jira kii saddexaadna waa la doondoonayaa”. Sidaas ayuu yidhi Wasiir Habanne. Waxaanu intaa ku daray in sida ugu dhakhso badan sharciga loo geyn doono xubnahaasi oo uu kutilmaamay inay ku kaceen faldambiyeed abaabulan oo mustaqbalka carruurta lagu seejinayo. Geeska kale Md. Habane waxaa uu sheegay in arday maxaabiis ah ay imtixaan ka qaadayaan “Wasaaraddu way dadaalaysaa oo illaa kuwii jeelka ku jiray baa ay imtixaanka ka qaadaysaa oo halkan fadhiya xaqbaanay u leeyihiin, runtiina aad iyo aad baanu ardayda u bogaadinaynaa”. Ayuu yidhi.

Dhinaca kale guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka Daauud axmed Faarax ayaa sheegay inay gacanta kudhigeen moobillo ay ardayda qaar siteen kuwaas oo iyaga oo gacanta ku haya ay soo galeen farriimo ku saabsan imtixaanku “Moobilladii gacantayada ayay ku jiraan oo annagoo hayna ayay soo dhaceen farriimihii, markaa ha xiiqina ayaan leeyahay soo direyaalloow, immika mobilladii waa lala yeeshay ardaydiiy. Nin walba waanu u soo jeedsanynaa oo gurigiisa ayaanu ugutagaynbaa isaga iyomoobilkiisaba oo aanu askari ugu gaynaynaa oo aanu kasoo qabanaynaa, waayo tiknoolajiga cid aad ka taqaanaa ma jirto annaga ayaaba IT-ga khubaro u leh.

 Geesta kale masuuliyiinta wasaaraddaasi ayaa kormeerro ku kala tagay goobaha imtixaannadu kasocdaan oo illaa shalay si habsami ah looga qaadayay ardayda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here