Jewigii Shalay lagu soo Dhaweeyey, Tafsiirka Safarkeedii Hadal-haynta Dhaliyey Iyo Raalli-gelintii Iyo Axdigii Ay U Ballan-qaaday Dadka Dhulkeeda
Hargeysa(Hubaal):- Fannaanadda Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-geenyo) oo ka tirsanayd kooxda Xidigaha Geeska ayaa shalay dalka dib ugu soo laabatay kadib markii ay in muddo ah safar hadal hayn badan dhaliyey ugu maqnayd magaalo madaxda wadanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ee Muqdisho. Yurub Geenyo ayaa shalay markay kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee magaallada Hargeysa oo ay soo dhawayn diiran kala kulantay waxaa ay ka hadashay safarkeeda iyo soo guryo noqoshadeeda oo ay sheegtay in uu u suurto galay kadib markii uu Madaxweynuhu cafis u fidiyey, iyada oo shacbiga Somaliland iyo cid kasta oo dareen ka galay safarkeeda Muqdishona raalligelin ka bixisay.
Yurub-Geenyo, waxaa si diirran Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ugu soo dhaweeyey Fannaaniinta iyo Masuuliyiinta Kooxda Xiddigaha Geeska oo ay hore uga tirsanaan jirtay, isla markaana intay Muqdisho ku maqnayd laga saaray iyada iyo Fannaaniin kale. Waxa kale oo soo dhawaynteeda ka qayb-qaatay, Xildhibaanno, Abwaanno, Masuuliyiin iyo Taageerayaal kale. Waxay Yurub-geenyo oo soodhawaynteeda ka dib Saxaafadda la hadashay si gaar ah ugu mahad-celisay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo Cafiska soo noqoshada u fidiyey, Xildhibaan Nacnac iyo Kooxda Xiddigaha Geeska. Fannaanadda Yurub-Geenyo, waxay sheegtay inay tahay Fannaanad Reer Somaliland ah oo taas ay Muqdisho intay ku sugnayd iyo meel kastaba ka sheegtay, wax laga tirtiri karona aanay ahayn, balse haddii ay jiraan Shacabka Somaliland Dad ka tirsan oo saluugsan Safarkeeda ay Muddada ku joogtay Muqdisho, inay ka raalligelinayso, isla markaana aanay dib u dhici doonin inay Muqdisho tagto, sida ay hadalka u dhigtay.