Dhadhanka Khudbadaha Uu Xirsi Fagaaraha Ka Jeediyo Oo Weli Kalgacal Dheeraad Ah U Haya Xisbiga KULMIYE Iyo Xukuumaddiisa

0
26

Kacaanyahannada Iyo Kaadirka WADDANI Oo La Yaaban Hadalladii Uu Xirsi  Shalay Ka Jeediyey shirkoodii Golaha Dhexe

 xirsi

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa khudbaddii saddexaad ee uu jeediyo tan iyo inti uu WADDANI ku biiray ku dheeraaday waxqabadka xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE, waxana uu sheegay in xisbigaasi dalka horumar ballaadhan ka sameeyey.

Ex. Wasiir Xirsi oo ka hadlay furitaanka shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ayaan dhinacna uga baydhin khudbadihii uu caanka ku ahaa ee uu ku majeeran jirey waxqabadka KULMIYE iyo xukuumaddii uu kamid ka ahaan jirey, waxana uu hoosta ka xarriiqay in baahiyaha uu KULMIYE daboolay yihiin qaar taariikhi ah oo abid la xusuusan doono.

Xirsi waxa uu sheegay inaan sacab lagu qarin Karin waxqabadka xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiye madaxweyne Siilaanyo, isaga oo carrabka ku ballaadhiyey inaan la dafiri Karin halgankii maalmaha adkaa ee uu dalka usoo maray guddoomiye Muuse Biixi Cabdi,“ma dafirayno madaxweynaha qaranka oo ah kii himilada lahaa iyo asxaabtayada sharafta leh ee imikaba xukuumadda ku jira ee himiladaas fulinteeda gacanta nala hayey, waxana aanu sheeganaynaa in 23-degmo mid aanaan istaagin oo aan mashruuc ka fulinini aanay jirin, taariikhdana waanu la leenahay KULMIYE, horumarna waa kii aanu qabanay, Muuse ka dafiri mayno inuu mujaahid ahaa oo dalka usoo halgamay” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Md. Xirsi waxa uu ku dheeraaday waxyaabo aan la koobi Karin oo xukuumadda talada haysa taariikhda u galay, kuwaas oo u baahan in lagu faano, isla markaana uu isaga laftiisu qayb ka ahaa.

Kaadirkii xisbiga WADDANI oo madasha uu xirsi hadalkan ka jeediyey ku sugnaa, ayaa dhibsaday khudbadda ex. Wasiir Xirsi oo markeedii saddexaad dhaafi la’ waxqabadka KULMIYE, waxana ay wax iska weydiinayaan sababta uu farta ugu fiiqi la’yahay galdaloolooyinka xukuumadda.

Is-weydiinta ah sababaha uu Xirsi ugu soo celcelinayo waxqabadka xukuumadda KULMIYE, ayuu xisbiga WADDANI dareenno cadho leh ka muujinayaa, waxana laga yaabaa in khudbadaha dambe ee uu jeedin doono talooyin laga siiyo, isla markaana loo tilmaamo meelaha uu diiradda saarayo.

DAAWO KHUDBADII XIRSI KA JEEDIYAY MADASHA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here