“Waxa La Yidhi; ‘Ku Qariyey, Qariyeye Gun-Cad!’…. Waxaan Leeyahay Siilaanyo Ayuu Mushahar Ka Qaataa Faratoon Wuxuu Wato Ma Naqaanno”
+++++
“Faratoon; Siilaanyaa Magacaabay, Waxan Uu La Soo Taagan Yahayna Waannu Ka Xishoonnay Ee Isagu Yuu Haystaa”
Widhwidh (Hubaal):- Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay go’aanka Somaliland dorraad ay shaacisay ee ah in dib loo dhigay wadahadal ay Khaatumo iyo Somaliland u ballansanaayeen Tobanka bishan aynu ku jirno inuu ka qabsoomo magaalada Burco, inaanay dhinacooda ka war-haynin, isla markaana ay ka tashanayaan. Waxa uu oo Arbacadii shalay Cali Khaliif Galaydh mar uu ka hadlay Widhwidh sheegay in haddii Somaliland muddada u cayinnayd wadahadalka ee ay hore labada dhinac isugu raaceen ay dib u dhigaan ay noqonayso in Somaliland ka baxday wadahadalka ay kula jirtay Khaatumo. Galaydh waxa uu ku dooday in waxa Khaatumo iyo Somaliland ku heshiiyeen ay ka mudnaato in lagaga weecdo raalli-gelin uu sheegay in lagu xurmeeyo Shaqsiyaad Sool iyo Buuhoodle u dhashay oo Somaliland xilal ka haya. “Somaliland wadahadallaa naga dhexeeya, meel fiicanna waaba la soo gaadhsiiyey. Annagu haddaannu Khaatumo nahay waxba dhulka nagama yaallaan, Somaliland war ay soo dirtay Annagu TV-ga kama dhegaysanayno, meesha Arrin culus baa taalla, Shalay baan arkayey Barnaamij TV-ga laga sii daayey, haddaannu Khaatumo nahayna waannu ka shiraynaa. Waxa aanay dawladnimo, iyo Odaynimo ka muuqan ayaa meeshaa lagaga dhawaaqayey, waanse ka jawaabaynaa, Jawaab munaasib ahna waa siinaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Galaydh. Cali Khaliif Galaydh waxa uu sheegay Jawaabta ay arrintaas ka bixin doonaan inuu ka horreysiinayo kelmado kooban, waxaanu yidhi; “Waxaan-se sii horreysiinayaa, Shirkayagu wuxuu ahaa 10-ka bishan Julay, Burco ayaanu ahaa, Annagaa ku wada heshiinnay, Iyagu kama bixi karaan, hadday ka baxaanna wadahadalladii oo dhan bay ka baxeen, dibna uma dhigi karaan, Shir wuxuu noqonayo aannaan ku heshiinna ma noqonayo. Waxaan odhan lahaa (Somaliland), Waar haddii kuwo meeshaa idinla jooga oo leh Dhulkan (Sool iyo Buuhoodle), ayaannu u dhalannay ay tahay in lagu maslaxo oo lagu masaajeeyo, Waar waa Shaqaalihiinna kuwaasi.” “Waxa la yidhi; ‘Ku Qariyey, qariyey ee Gun-cad!’ Waar Faratoon waannu ka xishoonnay, Shaqsi ahaan baannu uga xishoonnay, Wasiir ahaan baannu uga xishoonnay uu Wasiirka arrimaha gudaha yahay, waxan uu la soo taagan yahay ee uu leeyahay; ‘Khaatumo ma jirto, ee waa Cali Khaliif iyo Afar uu wato’ Waar Isagu yuu haystaa? Isaga Siilaanyaa magacaabay, Siilaanyo ayuu Mushahar ka qaataa, wuxuu watana ma naqaan…” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh. Xubno ka tirsan Guddiga Wadahadallada Khaatumo lagula jiro dhinaca Somaliland u qaabbilsan iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin-Faratoon oo isagu aan Guddigaas ku jirin, balse Sool ka soo jeeda dhalasho ahaan, ayaa shir Jaraa’id oo ay Salaasadii shalay ku qabteen Hargeysa ku sheegay in wakhtigii Shirka Khaatumo iyo Somaliland u ballameen ee 10-ka bishan Julay ee aynu ku jirno dib uga dhacayo muddo laba toddobaad ah ama 14 cisho ah, arrimo farsamo awgood. Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin-Faratoon oo Shir-Saxaafadeedkaas ay qabteen isaga iyo Xubnaha ka tirsan Guddiga wadahadallada Khaatumo dhinaca Somaliland u qaabbilsan, waxa uu eedaymo ugu jeediyey Hoggaanka Khaatumo oo uu ku eedeeyey inay kicin Dadweyne ka wadaan deegaannada Sool iyo Buuhoodle, isla markaana aan loo baahnayn waxaas inay ku kacaan, isaga oo soo jeediyey inay Guddiyada Khaatumo iyo Somaliland wadahadalka u qaabbilsani isu yimaaddaan, isla markaana diyaariyaan ajandaha lagaga hadli doono shirka muddadiisa dib loo dhigay.