Qaramada Midoobay Ayaa Dhawaan Codsatay In Liiska Musharraxiinta Aqalka Sare Laga Saaro Dhagar-qabeyaasha Moorgan Oo Kale Ah
Hargeysa –(Hubaal )-Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in doorashadii Aqalka Sare lagaga guuleystey gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Xirsi Morgan, kadib markii musharixii la tartamayay Bootaan Barre Samatar uu helay 38 cod, halka uu Morgan uu ka helay 27 cod. General Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayaa si aad ah loogaga cabsi qabay in uu ku guuleysto doorashadan waxaana soo baxayay cabsi ay ka muujinayeen wadamada caalamka iyo qaramada Midoobay. Dhawaan ayaa wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu codsaday in laga saaro liiska musharixiinta ragga hore ugaga soo qeybqaatay dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya. Gacan ku dhiigle Moorgan ayaa ka mid ah dhagar qabeyaasha ku suntan xasuuqii ay dawladdii Afweyne u geysatay shucuubta Somaliland xilligii ay ka midka ahayd dawladdii la isku odhan jiray Soomaaliya. Waxaana loo haystaa in uu bixiyey awaamiir badan oo xasuuq iyo dhiig badan ku daadiyey dalkan Somaliland. Geesta kale dorraad ayay ahayd markiia y dawladda Somaliland ka digtay in xubnaha uu Moorgan ka midka yahay la isku dayo in lagu daro xildhibaannada loo xulayo aqalka Sare ee Soomaaliya. Dawladda Somaliland, waxa ay Soomaaliya ka dalbatay in gacanta loo soo geliyo Janaraal Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Maslax Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa saraakiishii dawladdii Milatariga ahayd ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddida Xasuuqa Somaliland Khadar Axmed Like, oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xubno lagu darayo aqalka sare ee Soomaaliya ay dambi ka galeen Shacabka Reer Somaliland xilligii Dawladdii Siyaad Barre, “Dawladda Soomaaliya iyo dawladaha Caalamka ee taageeraya Golaha Sare ee baarlamaanka Soomaaliya waxaanu u sheegaynaa inaan lagu darin Nimanka xasuuqay shacabka reer Somaliland.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Xasuuqa Somaliland oo dawladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka uga digayay in xubnahaasi lagu daro aqal sare ee dalkaas, waxaanu intaa raaciyey, “Waxaanu Beesha Caalamka iyo Dawladda Soomaaliya ka codsanaynaa in gacanta la noo soo geliyo Nimankaasi doonaya inay markale xasuuqaan Shacabka Somaliland”