Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka WADDANI ee gobolka Awdal C/kariin Muuse Maal ayaa ku eedeeyay xukuumadda talada dalka haysa ee uu hogaaminayo mudane Siilaanyo inay dalka baabiisay sidoo kalena ku tilmaamay badhasaabka gobolka Awdal cabdoo Aayar inuu yahay basaas uu Siilaanyo u soo diray gobolkan taas oo uu sabab uga dhigay guddoomiyahu in badhasaabku aanu joogin magaalada Boorama iyo gobolka loo igmaday shaqadiisa ee uu safar dibadaha mar walba iskaga maqan yahay oo uu kaga mashquulay shaqadiisii waxaana uu sheegay in tan iyo intii xukuumaddu u soo magacawday xilka badhasaabnimo aanu wax uu qabtay jirin
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN DHAGEYSO: “Badhasaabka Gobolka Awdal Looma Soo Magacaabin Inuu Noqdo Basaas”