DHAGEYSO: Jawaabta Boqor Buur-Madow Ka Bixiyay Su’aal U Dhignayd ‘Magaca Gobollada Waqooyi (Somaliland) Ma ISAAQ Baa, Oo Xildhibaan Federaalka Soomaaliya Ahi Weydiiyay.’

0
118

Hargaysa (Hubaal)- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo layidhaa Maxamed Maxamuud Faarax, kuna magac dheer (indho-buur) oo wariyaha BBC-da ee doodii jimcihii shalay daadihinayay uu weydiiyay waxa ka jira hadal boqor Buur-madow ku dooday oo ahaa, inaanay u sinayn beelaha Soomaalidu nidaamka ay dowladda Federaalku wax ku qaybisay ee 4.5-ka loo yaqaan, isla markaasina ay labada beelood ee hawiye iyo Majeerteen oo Daarood ahi saamiga ugu badan hannaankaasi iyagu qaateen, waxaana uu markiiba xildhibaankani lasoo booday isaga oo difaacaya beelaha uu boqorku ku eedeeyay sadbursiga, su’aal u dhignayd in dowladda Somaliland ay qudheedu caddaalad darro ka jirto, isagoo xildhibaanku dhankiisa ku dooday inay reerka uu kazoo jeedo boqor cismaan Buur-madaw ay isku koobeen maamulka Somaliland, isla markaana beelaha harti iyo qaar kaleba aanay u ogolayn saamigooda.

“Waxaanu Diyaar U Nahay In Cali Khaliif Uu Maanta Somaliland Madaxweyne Ka Noqdo” sidan waxa yidhi Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland  ayaa isaga oo ku sugan dalka Imaaradka carabka waxaa uu sheegay in ay bulshada Somaliland ay maanta diyaar u yihiin isla markaana ay soo dhaweynayan in uu madaxweyne dalka ka noqdo Cali Khaliif Galeydh madaxweynaha maamulka Khaatumo.

Sidoo kale Boqor Buurmadow waxaa uu sheegay in aaminsan yahay in beesha dhexe ee Somaliland ay haysato saamiyo aanay laheyn balse  diyaar loo yahay in la saxo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here