“Dhakhaatiirtu Waxay Xaqiijiyeen In Jaadka Loo Yaqaanno Aawadey Lagu Daray Sunta Lagula Dagaallamo Taranka”

0
314

Wasiir  U Hadlay Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Sheegay In  Dad Ay Cusbitaalka Jigjiga u Jiifaan Jaadka Haawaday Oo Lasoo Sumeeyey

 

 

 

Jigjiga (Hubaal) – Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore, ayaa Xaqiijiyey in la sumeeyey Qaadka Haawadeega, kaasi oo ka yimaada Deegaanka Oromada ee xaaladda adagi ka taagan tahay. wasiirka Axmed Maxamed Koore oo la hadlay warbaahinta dawlad deeganka Somalida Itoobiya, ayaa  waxa uu  bulshada isticmaasha cunista qaadka uga digay inay cunaan qaadkaasi sumaysan,waxaanu sheegay inay cispitaalka u yaalan in ka badan 23 qof oo ku sumoobay qaadka loo yaqaan awadee, isla markaasina ay bahda caafimaadku xaqiijiyeen in laga helay sunta lagula dagaalamo taranka.  wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaa lay xaqiijiyey in la sumeeyay jaadka looyaqaano awade. oo ilaa imika ay dhakhtarada u yaalaan dad badan inta la ogyahay dadka sumoobay waa 23 ruux oo ilaa shalay  uun xanuunsaday kadib markay qayileen oo ay ku sumoobeen  jaadka awadega oo dhakhaatiirtii baadhay xaqiijiyeen inay tahay sunta lagula dagaalamo taranka” Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Waxaa jira  sidoo kalana dadka ay qaar suntu googooysay beerka oo dhiig hunqaacay, hadaba waxaa lagu wargalinayaa dhamaan bulshada isticmaasha qaadka inay iska ilaaliyaan cinista iyo jaadka awadega cidkasta oo caafimaadkeeda Ilaalinaysa” Ayuu yidhi Axmed Maxamed Koore.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here