“Dhakhtarku Cudur Qof Buu Ka Fikiraa Dawadiisa, Laakiin Adigu Waxaad Dersaysaa Mushkalad Mushtamac Dhan Saamaynaysa”

0
14

Miliciga Waraysi 5 Sanno Ka Hor Kusoo Baxay Wargeyska HUBAAL Oo Marxuum Yoonis Cali Nuur Kaga Sheekeeyey Hoggaamiyeyaal Dabeecad Qallafsan oo uu Waraystay+Waannooyin Uu Siiyey Qofka Suxufi Noqonaya

Hargeysa (Hubaal)-Rabbi ha u naxariisto’e Marxuum Yoonis Cali Nuur oo  laysla qirsan yahay in uu kamid ahaa weriyeyaashii caanka ahaa ee soo maray saaxadda saxaafadda Soomaalida, isla markaana   Mudadda dheer ka soo shaqaynayay Idaacadda BBC-da  oo shalay geeridiisa laga soo sheegay magaallada London ee carriga Ingiriiska oo in dhawaaleba uu xaalad caafimaad u joogay ayaa bahda HUBAAL waxaa ay akhristeyaasha ku xidhan la wadaagaysaa mid ka mid ah waraysiyadii xiisaha lahaa ee marxuumka lala yeesho intii uu noolaa kaasi oo uu kaga warramayo shakhsiyadiisii nololleed, tii shaqo iyo weliba waayo aragnimadiisii suxufinimo ee  mudadii uu ka shaqaynayay Idaacadda BBCda.  Marxuum Yoonis Cali Nuur oo waraysigan laga qaaday  muddo hadda laga joogo shan sanno iyo jarjar ayaa wargeyska HUBAAL kusoo baxay cadadkii wargeyska HUBAAL ee soo baxay Febraayo 15, 2013, waxaanu marxuumku kaga sheekeeyey Waraysiyadii ugu adkaa ee uu qaado ka qaado hoggaamiyeyaashii dunida soo maray, gaar ahaanna kuwa Soomaalida. Sidoo kale waxaa uu ka warramay mushkiladaha ay muhimka tahay in suxufiyiintu ka feejignaadaan xilliyada ay wararka xaasaasiyada leh u gudbinayaan bulshada, isaga oo ku dardaaray in ay weriyeyaasha Soomaaliyeed ka digtoonaadaan  caqabaddaha keeni kara in khatar ay gasho noloshoodu.   waxa uu ugu horeyn Weriye Yoonis kaga hadlayaa taariikhdiisa,  meeshii uu ku barbaaray iyo halkii uu tacliintiisa ka bilaabay:  “Magaaladda Hargeysa waa magaaladdii asalka ahayd ee aan ku barbaaray, Iskuulkana aan ka galay dugsiga biyo dhacay, in kastoo markii hore aan ka bilaabay deegaanka Fara-weyne, haddana markii dembe ee 1964, xilligaas dagaalkii XAbashida iyo Soomaalida ee hore ayay ahayd, malaha waqtigaas maad jirine (Weriyaha). Markaa halkan ayaan ku dhamaystay, waanan degennahay halkan (Hargeysa) qayb ahaan oo caruur iyo xaas baa ii jooga, qoyskayagana in badan baa degen, weligoodna degennaa. Iskuulladda berigaa hore  inaad soo gaadhay mooyee, waxa la odhan jiray Boodhing (Boarding), oo inaad soo gaadhay  mooyee, ardaygu iskuulkuu u hoyan jiray oo uu wax ka cuni jiray, fasaxa ayuun buu reerkooda ku laaban jiray. Iskuulka degmadda Cadaadley waxa aan ka galay dugsiga Dhexe, Camuudna waxaan ku dhamaystay dugsiga sare. Markii aanu ka baxneyna berigii hore dadkuba Xamar buu wada tegi jiray haddaad shaqo doonayso iyo haddaad baasaaboor doonaysaba, halkaas ayaan shaqo qaran iyo Tabobarkii Xalane loo yaqaanayba halkaas baan ka galay, markii dembena warfaafintii baan ka galay Radio Muqdisho, kadibna Jaamacadda ayaan galay anigoo dhigtay Culuumta Siyaasadda (Polictical Sicience) ayaan BA ku sameeyey, haddana waxaan Waxbarasho dheer oo  u tegey Jarmalka, xilligaas waxa jiri jiray Jarmalka Bari iyo ka galbeed, halkaas deeq waxbarasho   Saxaafadda qaybteeda Idaaciga ah (Broadcast Journalism) Diploma ka diyaariyey. Markii aan dhamaystay waxaan dib ugu soo noqday dalka anigoo Wakaalladii wararka ee SONA la odhan jiray ka noqday ku xigeenka agaasimaha fulinta, in kastoo aan Radio Muqdisho Faallooyinka u samayn jiray. Markii dembe ee siyaasaddii xumaatay ee dagaalo sokeeye dhaceena dibbedaha ayaan iska tegey, oo 1982-kii ayaan anigu iskaga tegey oo Muqdisho aan ka baxsaday, oo intaan Talyaaniga, Malta  soo marnay anagoo wefti ah ayaanu Jabuuti ku leexanay aniga iyo Nin wasiir xilligaas ahaa, halkaas ayaan France ka galay 1983-kii dabadeena soomaba noqon.”  Sidaa ayuu yidhi Yoonis Cali Nuur oo guud mar ku samaynayay taariikhdii yaraantiisa iyo waxbarashadiisii. Intaa kadib waxa uu Weriye Yoonis sharraxay noloshiisii dembe ee Qurbaha sidii uu kaga mid noqday Hawl-wadeennada Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, illaa waqtiganna kamid ah Foollaadka Hay’addaasi, “Markaan Faransiiska Galay ayaan shaqada BBC-da oo la xayaysiinayay aan arkay, tii baan dalbaday  galay, waa la ii yeedhay waxa la iga qaaday Imtixaan, 18 qof baanu ahayn alla ha u naxariistee waxa ka mid ahaa dadkaa Mustafe Xaaji Nuur oo BBC-da hore uga shaqayn jiray oo inta uu iskaga tagay dib u dalbaday, wuu iga waayo aragsanaa hase yeeshee nasiib wanaag anigaa ku soo baxay shaqadii, malaha waxa ay BBC-du doonaysay  maskax dhalinyar oo cusub. Sidaasaan kaga mid ahaa BBC-da oo aan intaas oo dhan joogay, inkastoo aan dhinacna wax ka baranayay, oo jaamacaddaha London iyo mid kale oo Southban College la yidhaa baan Part Time wax ku dhiganayay oo waxaan shahaadada Masterate-ka  ku sameeyey cilmu-nafsiga bulshada  (Social Psychology)”.

“Waxan Saxaafadda La Yidhaahdaa runtii way dhibaato badan tahay waayo dhib kasta waad la kulmaysaa  ilaa khatar noloshaadu gasho, sida immika Soomaaliya ka dhacda, Maali kamid tahay, Ciraaq, iyo  Nayjeeriya. Khataro saxaafadda kusoo fool leh oo  gooni ahi way jirtaa, shaqadeeduna waa shaqo aad u adag, waa mid u baahan shuruudo iyo duruufo meelo badan oo kale aan loo baahnayn. Ninka dhakhtarka ahi  cudur qof buu dersaa kana fikiraa dawadiisa, laakiin adigu  waxaad darsaysaa mashkalad mushtamac dhan saamaynaysa oo dhegeystayaal saamaynaysa oo shakhsiyaad saamaynaysa, sida awgeed taxadir gooni ah baa loo baahan yahay, saxaafadduna waa middi laba af leh, haddaan sida xeerku yahay loo qabanna dhibaatay leedahay. Cadaw bandanna way leedahay, cadawgaasi ama siyaasi ha ahaado ama xagjirayaal ha ahaadaan ama kooxo ha ahaadee waxa lagu dilayaa suxufiga maxaad runta u baadhay oo aad u soo bandhigtay,  laakiin xeer bay leedahay oo qawaaniin bay leedahay,   haddii aad intaa ku dhaqantanna waad qabsatay shaqadaadii, markaad saxaafadda ka shaqaynaysana waa inaad daacad ka ahaataa mihnaddii” ayuu yidhi Weriye Yoonis Cali Nuur,

 

Waxana uu intaa ku daray “Ninka dhakhtarka ahi subixii marka uu guriga ka baxayo ee uu shaqadiisa tegeyo, muxuu gashadaa,? Wuxuu xidhaa dharkii caddaa ee astaanta u u ahaa caafimaadka, saxaafadduuna waa sidaas oo  kale, waxaad aaminsan tahay iyo fikradahaaga shakhsiga ah waa inaanay kaa muuqan. Tusaale ahaan xisbiyada siyaasadda  marka doorashada inaad cid u codayso sharci kuu diidayaa ma jiro, inaad fikradahaaga shakhsiga ah aaminsanaato ama masiixi ahaw ama muslim ahawo’e laakiin maxaad daacad u noqonaysaa?, waxaad aaminsan tahay mabda’a la yidhaa Profession-ka, laakiin aanad eegin qofkaad tahay, gobolkaaga, ciddaada iyo wixii kale ee gaar ah. Tan kale ee waraysigu dhibaatooyin badan waad kala kulmaysaa dadka la waraysanayo, oo inta badan dadkaasi waxa ay doonayaan in su’aalaha aanay rabin ay ka warwareegaan oo meelo kale ayay isku qaadaan, laakiin adiga ayay tahay inaad suaashii ku soo dabbaasho waraysiga, dabeecadahooduna way kala duwan tahay oo qaar baa saxaafaddiii fahamsan oo kula shaqaynaya oo diyaar ah, haddaanay waqti hayna raali ahaw ku odhanaya, qaar baa qallafsan oo dabeecad adag, tusaale ahaan waxa kamid ah dadka dabeecadoodu adkayd Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Jabuuti alla ha u naxariistee Xasan Guuleed Abti-doon, Cabdillaahi Yuusuf Laftiisa ayaa kamid ahaa, inkastoo ha madax adkaadee jawaabayay isagoo doonaya inuu tiisa ku marsiisto. Alla ha u naxariistee Xasan Guuleed mar mar waxaad moodi jirtay  in uu ku sigto in inta uu mikirifoonka kaa qaado uu ku dhirbaaxo, marmar uu degen yahay iyo mar uu ku yidhaahdo mabaanaan fadhiisan oo kabaha iskamaanu bixinne naga hor wareeji bahalka aad na hor hayso. Sidiisa kale nin hawl-kar ah buu ahaa oo jawaabihiisu gaaban yihiin. Su’aasha haddii uu garan waayana waa laga yaabaa inuu ku yidhaahdo shaqadaada maaha, maxaa kaa galay, maadaa I dirsaday. Haddii aad tusaale ahaan tidhaahdo Xasan Guuleed waxa aad tahay nin siyaasadda in badan ku jiray goormaa laga yaabaa inaad hawl gab noqoto siyaasadda. Waxa laga yaabaa inuu ku idhaahdo Maxaa kaa galay adiga, Ma adaa I dirsaday, haddana runtii waxa uu ahaa nin jawaabo toos ah ku siinaya waxa uu ahaa nin degen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here