Dhalinyarada Aqoonyahanka Gabiley Oo Si Adag Uga Hadley Dilkii Saraakiisha ee Tuulada Qorilugud iyo Sida ay Xukuumadu Uga Gaabsatey Aaskoodii Tacsidoodii

0
38

Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanka Gabiley Oo Si Adag Uga Hadley Dilkii Saraakiisha ee Tuulada Qorilugud iyo Sida ay Xukuumadu Uga Gaabsatey Aaskoodii Tacsidoodii

 

Hargaysa (Hubaal)Dhalinyarada aqoonyahanka ah ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley,ayaa markii u horeysay si adag uga hadley dilkii Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee lagu dilay Tuulada Qorilugud iyo sida ay Xukuumadu uga gaabsatey in arintaasi laga qaado talaabada ku haboon,maadaama gacan ku dhiiglihii dilkaa geystey baxsadey islamarkaana aan ilaa iyo hada loo soo qaban dadkiisii si,ay u fududaato in gacan ku dhiiglahaasi gacanta loogu soo dhigo.

Dhalinyaradan oo maanta shir jaraa,id ku qabtey Magaalada Hargeysa,ayaa fariin adag u gudbiyay xukuumada iyagoo faafahin ka bixiyay sida ay u dadeyso dhacdadan foosha xun iyo sida ay u dhayalsateyba, taas oo ay sheegeen in dhacadadaa foosha xun leh aan riiqdeedu wali ka hadhin eheladii iyo qoysaskii ay kasoo jeedeen saraakiishaasi,iyagoo dhinaca kalena ka akhriyay goobta Taariikh nololeedkii Marxuum Kabtan Maxamed Yuusuf Aw Rabaax waxaana kamid ahaa hadaladoodi

“Waxaanu halkan kasoo jeedinaynaa in Sharciga la horkeeno gacan ku dhiiglihii iyo cidii ka dambaysay dilkii saraakiisha,Ciidanka Qaranka ee lagu dilay tuulada Qorilugud,waa ayaandaro hadii Saraakiisha Ciidanka Qaranka xaga dambe laga toogto,waxaanay dalkeena ku keeni doontaa in rabshadi ka bilaabanto hadii sharciga lagu dhaqmi waayay,ilaa hada wax hadal ah oo Xukuumadu kasoo saartey majirto,waxa jira sarkaal shaley la dilay markiiba Madaxweynuhu wuu tacsiyeeyay.laba sarkaal oo dalka difaacayay oo kabtan ahaa wax hadal ah oo Madaxweynuhu kasoo saarey majiro,taa waxaanu u arganaa in Madaxweynuhu aanu dalkan daacad ka aheyn,waxaanu xukuumada ugu baaqeynaa mar labaad iyo mar sadexaad in cidii falkaa ka dambeysay sharciga la horkeeno,hadii kale masiibo kale ayay ku noqoneysaa Qaranka waxaananu intaas oo dhan sugaynay Madaxweynaha Xukuumadiisu talaabada ay ka qaadaan walina ma hayno.”Sidaa waxa yidhi Cali Yaasiin Aw Rabaax oo kamid ah ehelada Marxuumka lagu dilay Tuulada Qorilugud Marxuum Maxamed Yuusuf Rabaax.

Waxaanu goobta ka akhriyay Taariikh nololeedkii Marxuumkaasi oo dhameys tiran.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadley Maxamed Aljasiira oo kamid ah Aqoonyahanka Gobolka Gabiley waxaana kamid ahaa hadaldiisa.

Axmed-Cisood“Ilaahay janadii fardowsa haka waraabiyo Walaakeen Marxuum Maxamed Yuusuf Aw Rabaax,waxa uu ahaa marxuumku shakhsiyad qiimo kulahaa umada Reer Somaliland oo dhan,gaar ahaana Gobolka uu kasoo jeeday, waxa uu ahaa sarkaal aqoon leh oo aqoon maadi iyo mid diimeedba leh,anuu aqoon gaar ah ayaan u lahaa dhalinyaranimaduna,waa mid gaar ah oo xaadiista oo dhami ka warameyso wuxu ahaa dhalinyar aqoon milatari leh oo qaaliya,ilaahay ha unaxariisto ayaan leeyahey gacan ka xaqdaranbaa dishay,wuxu ahaa shahiid madluum isagoo salaadii kasoo baxey ayaa la dilay cidna wax umuu dhimin,ninkaasi haduu qabiili yahey ma dhaafeen deegaankiisa,laakiin Qorilugud ayuu tagey maalintaasi la dilay Madaxweynihii dhamaa baadhi ayuu kujirey,yaa subxaana allaah,shaley bay aheyd markii la dilay nin kale oo Reer Laascaanood ah isla markiiba Madaxweynuhu wuu ka hadley,waxey aheyd in si cadaalad ah loo simo.meel kasta oo uu tago gacan ku dhiiglahaasi ayaa laga soo qaban karaa hadan la dhayalsan”Ayuu yidhi Aqoonyahan Axmed Aljasiira.

“Waxaynu maanta ka hadleynaa dil u dhacey si fool xun oo nin Ciidan beeleed ahi intuu dilay,Abaanduulihii Ciidanla layidhaa wuu baxsadey,waa arin aan la aqbaleyn Xukuumaduna wey ka gaabisey arinkaa waxaana kuu cadeynaya sida walaakeyba sheegay Taliyihii shaley lagu dilay Gabiley allaha ha u naxariistee,Marxuum Cabdi-Case markiba Madaxweynuhu tacsibuu direy wuxuuna amar ku bixiyay,in si degdeg ah sharciga loo horkeeno oo loo dilo,waxa cad in aanu Madaxweynuhu tacsi u dirin Saraakiishii hore ee la dilay walibana aanu ka hadal waxey noo muujinaysaa dareen kale,maadaama ninkaasi ahaa nin kasoo jeeda Beesha Madaxweynaha taasina ay macnaheedu tahey in raga kasoo jeeda beesha Madaxweynaha aan waxba lagu samayn karin,hadii ay taasi jirto oo ay dhab tahey anaguna ka dhalinyaro ahaan Waxaanu Madaxweynaha u sheegaynaa hadii uu talaabo sharciya ka qaadi waayo arinkaasi in aanu anaguna ka dhalinyaro ahaan waajibaadkayaga gudan doono,waxaanu aad uga damqaneynaa nin dhalinyar ah oo kabtan ah allaha ha unaxariistee Maxamed Yuusuf Cade,oo dalkiisa wax usoo bartey oo dalkisa difaacayay oo qiimahaa bulshada u lahaa,oo waliba aan aaskiisii cidi kasoo qeyb galin waanu cambaareyneynaa,waxaanu mar labaad Xukuumada u sheegaynaa in arinkaa ay ka howlgasho oo aanay dhayalsan oo ninkii lasoo qabto waala garanayaa halkuu ninkaasi joogo”Sidaa waxa yidhi Axmed Ciisood oo ah Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Gabiley oo si adag arintan uga hadley.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa “Shaley wuxu Wasiirka Gashaandhigu sheegayay in uu saraakiil u direy arintaasi soo baadha,waxaan leeyahey ma aha kiis baadhis u baahan waa mid si cad loo dilay,baadhitaan loogama baahna dowlada waxa looga baahan yahey in ay ninkii gacan ku dhiiglihii soo qabato oo sharciga la horkeeno,oo ay dil ku fuliso waanu daba taagnaaneynaa arinkaasi,oo aanaan kusoo koobayn kulankan laakiin aanu jawaab cad ka sugeyno xukuumada iyo talaabada ay qaado”Ayuu yidhi Axmed Ciisood.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here