Dhalinyarada Magaaladdda Hargaysa Oo Ka Hadashay Khilaafka Golaha Wakiillada, Talooyina Usoo Jeediyay Cabdiraxmaan Ciro.

0
36

Hargaysa(Hubaal)Dhalinyarada Jaamacaddaha Magaalada hargaysa ayaa ka hadlay Khilaafka Cakiran ee dhax Qarxay Xildhibaanada golaha wakiilada somaliland waxaana ay usoo jeediyeen in ay isku tanaasulaan.

Dhinaca kale waxa ay ka hadleen xildhibaano sheegay in ay dalka soo galinayaa Ciidamo shisheeye,waxaan ay arinkaasi ku tilmaameen mid qaran dumis ah. Waxa ay guddoomiyaha Golaha wakiilada usoo jeediyeen inaanu dalka khal-khal Galin isla markaasna uu saxo Xeerka ay xildhibaanadu shegeen inuu khalday. Ugu Horayn shirjaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada hargaysa ayaa wax ka hadlay cabdilaahi maxamed waxaana uu sheegay”
“anagun hadaanu nahay waxaanu jecel nahay Amaanka Wadanka Loomana Baahna Dalka In fawdo laga rido,Wixii Khilaaf ahna in laysku tanaasulo lakiin cabdiraxmaan ciro waxaanu leenahay Maanta May ahayn inaad xeer khaldan gudbiso adiga oo doonayo Doorasho madaxtinimo Sidaasna Shacabku kuguma Aani Karaan,Dalkana in cid gaar ah am shisheeyo loo gacan taago ma ogolani,Wixii ay xildhibaandu Kuu dhiibeena ee ay u codeyeen sidoodii u gudbi ayaanu ku leenay.

Abakor Axmed Xasan oo ka mid ah Dhalinyarada Jaamacada ee magaalada hargaysa oo isna kulan kaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi”

“Aniga oo ka mid ah Ardayda Jaamacadaha Magaalada hargaysa siiba Jaamacada Golis waxaanan ka xunay Khilaafka ka dhex abuurmay Golaha wakiilada ee xildhibaano ka mid ahi ay leeyihiin dalka dawlado shiyeeye hasoo faro galoyaan waa arin laga naxo,waxaanan Guddoomiye Ciro leenay Dalka Fowdada ka daaya oo xildhibaanadu wixii ay u codeyeen u gudbi golaha guurtida Dalkana Ha isku dhufan.
dhalinta hargeysa
Yaasmiin Yuusuf Muuse oo Iyana kulan kaasi ka hadashay ayaa sheegtay Khilaaf kasta oo yimaado in lagu dhameeyo isku tanaasul waxaana ay Sheegtay”

“Golaha Baarlamaanka Looma dooran iyo noqdaan Gole Muran Lakiin wax loo doortay in wax u taraan shacabkii soo doortay,khilaafkan hada socdana Bulshada waxa uu ku riday war war baahsan meel kasta oo ay joogaan dhagtay ayay u taagayaan Khilaafka,Waxanan leenahay Khilaafka waxa uu ka abuurmay Xeer is khilaafsan oo uu gudbiyay cabdiraxmaan ciro una gudbiyay Golaha Guurtida waxaana odhan lahaa wixii khaldan halaysla saxo.

Yaasmiin oo hadalkeeda siiwadata ayaa intaas waxa ay ku dartay”Dhuka ilaahay raga waxa uu ugu dhiibay in ay masuul ka noqdaan Xildhibaanadu Bulshadii soo doortay in ay u tudhaan ayaa wanaagsan,Wixi khilaaf ka dhaxeeyan in ay Aqal Hoostii ku dhamaystaan ayaa waajib ah,lakiin maaha in ay miidiyaha isku adeegsadaan,waxaanan odhan laha Dalka fawdo ha galinina.dhalinta hargeysa2

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here