“Dhalinyarada Qal-qaalinimmada Ku Jirta & Kuwa Hawlaha Kale Ku Jiraba Waxay Arki Doonnaan Is-bedal Ballaadhan”

0
11

Wasiir Yuusuf Mire Maxamed Oo Farriin Ballan-qaad Xambaarsan U Diray Faca Soo Kacaya Ee Bulshada

Hargaysa (Hubaal) – Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed, ayaa sheegay in xukuumadda talladda haysa ee madaxweyne Muuse Biixi ay ahmiyadda koowaad siinayso horumarinta iyo dhisidda mustaqbalka dhalinyaradda. Waxaanu tilmaamay in ay xukuumadda ka go’an tahay, kuna bar-bar taagan tahay dhiiri gelinta da’yarta, isla markaana wax kasta oo taageero ah oo ay u baahdaan dhalinyaradu ay la bar-bar taagan yihiin. Wasiirka cayaaraha Somaliland, waxa kale oo uu xusay in ka xukuumad ahaan ay u qorshaysan tahay in horraanta sannadka soo socda ay bilaabaan hirgelinta mashaariic lagu tayaynayo kor u qaadidda waxbarashadda iyo cayaaraha ee dhalinyaradda. Boos Mire Maxamed, oo hadal ka jeediyey munaasibad loo sameeyey tartan ciyaareed kubadda cagta ahoo ay ka qayb qaadanayaaan cayaartoy ka kala socda kooxaha ka dhisan caasimadda Hargaysa ee ay da’doodu u dhaxayso 12 jir ilaa 16 jir waxaa uu ka war bixiyey siyaasadda ay xukuumadda madaxweyne Biixi ee uu ka tirsan yahay ugu talo gashay inay ku dhaqdo dhalinyarada dalka “Xukuumadda hadda ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa naga go’an oo ahmiyadda koowaad noo ah in aanu dhiiri gelin iyo wax kastoo ay u baahdaan ba siino da’yarta iyo cayaaraha. Dawlad ahaan waxaa naga go’an in aanu meel walba oo cayaaraha iyo dhalinyaradda lagu dhiiri gelinayo aanu nimaadno, oo aanu iskiin bar-bar taagno”. Sidaa ayuu yidhi Wasiir Yuusuf Mire Maxamed (Boos), waxaana uu intaa kuladhay “Mashaariicda soo socda ee aanu ku taamayno ama waxbarasho ha ahaato ama cayaaraha, oo labadda sanadood ee u horeeya in ay fulaan aan rejaynayaa, waxaa ka mida sidii loo horumarin lahaa cayaaraha iyo dhalinyaradda, isbedel balaadha na waynu arki doonaa, marka mashaariicdaasi bilaabmaan. Waxaa la sheegaa in dalkeen na dhalinyaradu ay ka yihiin 70% (boqolkiiba todobaatan) haddii aanay kaba badnayn ba, waxuun baana lagaga bixi karaa sidii loo horumarin lahaa, loona jihayn lahaa in ay iskaashadaan shacabka iyo dawladda oo ay gacmaha is qabsadaan”ayuu yidhi wasiir Boos. Gebogabadiina waxaa uu wasiirku ku dardaaray da’yarta dalka in jidka toosan oo ay ku hagaan nololshoodu hormood u noqonayso amniga iyo horumarinta dalkooda “Dhalinyaradiinan waa in dariiqan toosan ee aad hadda haysaan, aydaan bedelin, waayo waxa aad hormood u noqonaysaan nabad gelyadda wadanka. Mida kale Waxaan u sheegayaa dhalinyaradda qal-qaalinimadda ku jirta iyo kuwa hawlaha kale ku jira, in ay daawadaan mustaqbalka dhalinyaradan yar yar. Faa’iidooyinka cayaaraha waxaa ka mida waxaa laga helaa nabadda iyo isku duubnida. Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa cid kastoo gacan ka gaysatay qaban qaabadda iyo hirgelinta tartankan”. Ayuu yidhi wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL Yuusuf Mire Maxamed (Boos).

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here