Dhalinyaro Gadoodsan Oo Shalay Meel Fagaare Ah Dab Ku Qabadsiiyey Calanka Xisbiga WADDANI, Kana Hadlay Sababta Ka Cadhaysiisay

0
32

“Annagu ma nihin xisbiga WADDANI, waxaanu Taageersannahay UCID & KULMIYE….Annagu Dooni Meyno Odayaashan Xam…..”

calanka-xisbiga-waddani-oo-qubanaya

Hargeysa:(Hubaal)-Dhallinyaro gadoodsan oo kasoo jeedda degmooyinka Maxamed Mooge iyo weliba Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, ayaa iskugu soo baxay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. DhallInyadan isu soo baxay oo cadho badani ka muuqatay, ayaa iskugu soo baxay aagga calaamadda, waxana dab qabadsiiyeen calanka astaanta u ah xisbiga WADDANI iyo weliba marso kale oo uu xisbiga WADDANI qaybiyey, kuwaas oo ay ku xardhanaayeen soo dhaweynta xubnihii cusbaa ee maalintii shalay ku soo biiray. Dhallinyaradani waxa ay sidoo kale taayirro ku gubeen dariiqa dheer ee wadda tagta madaarka Cigaal International Airpor, si ay isu hortaagaan gawaadhida ay wateen xisbiga WADDANI iyo xubnihii shalay ku biirayba.

Qaar kamid ah dhallinyarada ku mudaharaaday xisbiga WADDANI oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inaan wax taageero ah xaafadaha Maxame Mooge iyo Maxamuud Haybe loogu haynin xisbiga WADDANI, waxana hadalladiisii kamid ahaa, “Annagu ma nihin xisbiga WADDANI, odayaashan Xamar ka yimi ee Xamar nagu wadona dooni mayno annagu, waxana aanu taageersanahay xisbiyada UCID iyo KULMIYE”

Wiil dhallinyaradaas kamid ahaa oo ka hadlaya sababta ku kalliftay inay mudaharaad ka dhan ah xisbiga WADDANI abaabulaan, ayaa waxa uu yidhi, “Mudaharaadkan waxa nagu kallifay xisbiga WADDANI oo maanta basas kaga soo qaaday xaafadaha New Hargeysa, Jig-jiga yar iyo Daami, kuwaas oo xaafadahan sheeganayey, laakiin aanu cid ka garan weynay, shakhsiyaadka ku biiraya xisbiga WADDANI ma diidanin, laakiin waxanu diidanahay marka la leeyahay xaafadda Maxamuud Haybe waa WADDANI.”

Mudaharaadka ka dhanka ah xisbiga WADDANI, ayaa gebi ahaanba si weyn looga dareemay xaafadaha M/mooge iyo M/Haybe, waxana looga gol lahaa sidii ay bulshadaasi meel adag uga istaagi lahayd shaambadda uu xisbiga WADDANI ku doonayo inuu xaafaddaas ka dhigo meel laga taageersan yahay.

Dhallinyarada muddaharaadday, ayaa xisbiga WADDANI uga digay inuu xisaabtiisa ku darsado taageero uu ka helo xaafadahaas, waxana ay sheegeen inaanay jirin wax cod ah oo uu xisbigaasi ka heli doono xaafadaha M/mooge iyo M/haybe.

Meelo badan ooh ore ayey ka dhacday in dhallinyaro cadhaysani kaga mudaharaadaan xisbiga WADDANI, kuwaas oo diidanaa siyaasadaha shakiga leh ee xisbiga ku gedaaman, waxase tani kusoo beegmaysaa xilli ay xisbiga la midoobeen siyaasiyiin muddo badan lasoo kal ahaa dawaldda federal-ka Somalia, isla markaana shaki laga qabo aaminaadooda Somaliland-nimada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here