Dhalinyaro Hujuuntay Mashruuc Macdan Qodis Ah Oo Ka Socda Buurta Siimoodi Ee Baki

0
50

Boorama (Hubaal) Buuraleyda Simoodi ee deegaanka Baki ayaa waxa ka dhacay rabshado ka dhan ah mashruuc la doonayo in shirkad ka soo jeeda dalka Shiinuhu ka dhoofiso macdan ka mid ah kuwa buurtaas caanka ku tahay.

Sida wararku sheegayaan kooxo dhalinyaro ah oo abaabulan,islamarkaana watay gaadiid kala duwan ayaa gudaha u galay buurtaasi,kadibna amar siiyay masuuliyiinta shirkadda Shiinaha iyo masuuliyiin ka joogtay wasaaradda macdanta goobtaas,halkaas oo ay u sheegeen in la joojiyo macdan qodistaasi ilaa inta laga heshiinayo faa’iidooyinka dhalinyarada deegaankaasi ka soo galaysa dhoofinta macdantaasi.

simodiSida uu ku soo waramay wariyaha wargeyska Saxafi uga soo warama gobolada Galbeedka Somaliland Maxamed Cumar Sheekh, rabshadahan iyo digniinahan loo geystay masuuliyiinta shirkadaasi shiinaha iyo dawladdaba ayaa muujinaysa sida aanay maalgaliyeyaasha caalamku u aamini Karin sidii six or ah ay uga faa’iideysan lahaayeen maalgalinta iyo heshiisyada ay la galeen dawladda,waxa kale oo ay arrintani taabatay xukuumadda gaar ahaana wasaaradda macdanta iyo tamarta oo iyadu heshiis la gashay shirkadaasi,hase yeeshee aan waxba lagala socodsiin dadka deegaankaasi ee iyaga dhibta ka soo gaadhayso macdan qodistaasi,loona baahnaa in wakiilo ka socda dadka deegaankaasi qeyb ka noqdaan heshiisyada noocan oo kale ah.

Maaha markii u horeysay ee rabshado loo gaysto shirkadaha heshiis dawladdu la gasho,waxaana la ogaa kuwo noocan ah oo ka dhacay deegaanada Bariga dalka.

Dhinaca kale dadka degaanka laga qodayo macdanaha ama kheyraadka kale ayaa loo baahnaa wacyi-gelin la xidhiidha faa’iidooyinka ugu jira macdan soo saarista degaanadooda baahida iyo fakhriga ku haystaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here