Hargeysa (Hubaal) Booliska Magaalada Burco, ayaa lagu soo waramayaa inay kala dareeriyeen dhalinyaro rabshado ka sameeyey qaybo kamid ah magaalada.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews oonu warkan kasoo xiganay u sheegay inay dadka dibad baxa sameeyey kamid ahaayeen Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaasoo ka cabanayey Doorashada Isniintii dalka ka dhacday oo aan wali natiijadeeda lagu dhawaaqin.
Mudaharaadeyaasha ayaa la sheegay inay waddooyinka ku gubeen taayiro, islamarkaana ay shiideen goobo Ganacsi iyo Gaadiid badan.
Geesta kale muuqaalo lagu baahiyey baraha Warbaahinta Internet-ka, ayaa laga arkayey qaar kamida dadka Mudaharaadka sameeyey oo ku dhawaaqaya inay Guddida Doorashadu cadaalad darro ku kaceen.
Gabdho iyo Wiilal Dhalinyaro ah oo ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyey Mareegaha Wararka, ayaa sheegay inaanay aqbalayn waxay ku tilmaameen cadaalad-darro xisbiga WADDANI lagula kaco.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka ee Gobolka iyo Maamulka Dawladda oo la xidhiidha arrintan.
hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka u dambeeyey ee Magaaladaas laga helay, Booliska ayaa iyagoo rasaas isticmaalaya kala dareeriyey dadka isu soo baxa sameeyey.
Wali ma cadda baaxada Khasaaraha ka dhashay mudaharaadkaasi iyo inay dad waxyeello ka soo gaadhay.
Dhanka kale, Magaalada Hargeysa ayaa xaafadaha dhinaca Bari la sheegayaa inay kooxo Dhalinyaro ahi rabshad sameeyeen.
Dhacdooyinkan ayaa yimi saacado kaddib markii masuuliyiin Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ka tirsani sheegeen inay hakiyeen wada-shaqeyntii xisbigooda iyo Guddida Doorashooyinka, iyagoo taa ku sababeeyey cabashooyin la xidhiidha Sanaaduuqda codbixinta oo laga qancin waayey.
Guddida Doorashada oo si joogta ah ula hadlayey Warbaahinta tan iyo maalintii Doorashadu dhacday, ayaa sheegay inay Murrashaxiinta Asxaabta ka qanciyeen cabasho kasta oo uga timi habka howsha tirinta codbixintu u socoto.