Hargeysa (Hubaal) – Kooxo Dhalinyaro ah oo ku bahoobay Urur samofal oo ka dhisan degmada Maxamuud Heybe ee magaallada Hargeysa ayaa sheegay in hawlo samofal oo ay xubnaha ururku isu xilqaameen in ay wax kaga qabtaan baahiyaha adeega bulshada ee ka jira degmadaasi uu maamulka dawladda Hoose ee Caasimadu ka hor istaagay fulintooda, isla markaana ay ciidamadda amaanka u adeegsadeen iyaga oo si taban oo xaalad abuur ah u turjumay hawlihii ururkaasi. Ururkan oo lagu magacaabo Al-nasri Foundation isla markaana xaruntooda dhexe ay ku taallo degmada Maxamuud Heybe ee Magaallada Hargeysa sidoo kalena xafiisyo ku leh dalka dibadiisa ayaa xubnaha ururkani waxaa ay sheegeen in himillooyinka loo aasaasay ururkoodu uu yahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, bilicda iyo guud ahaanba gufeynta duruufaha dhaqan dhaqaale ee bulshada la soo gudboonaada.
Maxaa Ururku Cabashada ka Muujiyey
Xubno kamid ah ururka oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Hubaal ayaa sheegay in maamulka dawladda hoose ee Hargeysa gaar ahaanna maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa ay u soo bandhigeen qorshe horumarineed oo uu urukoodu ugu talo galay in uu kaga qayb qaato bilicda degmada Maxamuud Haybe, qorshehaas oo ay kamid yihiin in wax ka qabashada baahiyaha muuqda ee beylahoodu taagan tahay sida biyo mareenada mara degmadaas oo xilli roobaadkan kala xanniba isu socoda dadka. Waxaanay xubnahani sheegeen
“Walaal waxaa jirtay in dhawaan roobabkii gu;ga ee raxmaadkii alle innoo shubay maalmihii inna dhaafay ay waxyeello kaga tageen meello ay kamid yihiin kaabaddii biyo mareenka ee Xaar wada ee u dhaxaysay dugsiga Maxamuud Axmed Cali iyo Jiic aboorka, taas oo daadkii roobku jaray, kaabadaas ayaanu annaga oo ALNASRI Foundation ah aanu isu xilqaanay inaanu samayno, illaahayna waanu garab galay oo annaga oo aan cidna la kaashan ayaanu dayac tirnay” sidaa waxaa Hubaal u sheegay mid kamid ah xubnaha ururka ee lasoo xidhiidhay xalay, waxaanu intaa ku daray “kadib markii aanu samaynay kaabadaasi waxaa hawshii aanu qabanay ay ka cadhaysiisay maamulkii heer degmo iyo mid dhexe ee dawladda hoose, iyaga oo u arkay mid ujeedaysan oo dan kale aanu ka leenahay, waxaa nooyimi maayar ku xigeenka ahna guddooomiye ku xigeenka golaha deegaanka caasimada Md; Cabdicasis Maxamed Cagawayne, waxaana markaanu u sharraxnay ujeedadayda uu naga codsaday in ay wada shaqayni dhex marto iyaga iyo dawladda hoose, wax kasta oo hawl qabad ah oo ururku qabanayona ay la soosocodsiiyaan si ay isaga kaashadaan oo ay hawshu u fududaato, waanu ka aqbalnay. Dhawr maalmood kadib waxaanu qiimayn ku samaynay biriish yar oo sanaaci bir kasamaysan ah oo ku yaalla laagta xaar-wada ee xaafadaasi, biriishkaaas oo ay ka dhiman yihiin waxyaabo koobkoobani markaanu qiimaynay waxaa ay noqoto wax aanu annagu urur ahaan fulin karno laakiin annaga oo tixgelinayna ballantii noo dhaxaysay maayar ku xigeenka waxaanu la socodsiinay hawsha aanu qabanayno, waxaana aanu u qornay warqad aanu ku wargelinayno. Warqadii markaanu gaadhsiinay waxaa dhacday in uu ciidanka bilayska ee degmada u tegey oo uu faray inaan wax hawl ah laga qaban karin biriishkaas yar isaga oo ku dooday in ururkayagu uu shaqadii dawladda hooose haysto, sidaasi dateed ay ciidanku tallaabo ka qaadaan cidii isku dayda in ay dhaqdhaqaaq samayso. Markaa dee waxaanu leennahay maxaa loo leexinayaa ujeedada cad ee Alnasri u dhisan yahay oo ah adeeggista bulshadiisa goormay dambi noqontay in cidii waxqabad tabaruc ah samaysaa xadhig mutaysato. Waa su;aalo aanu hor dhigayno maamulka dawladda hoose.” Ayuu xubintani hadalkiisa ku soo xidhay.
Dhinaca kale mar uu wargeyska HUBAAL isku dayay xalay in uu xidhiidh la sameeyo maayar ku xigeenka ama maamulka heer degmo ee Maxamuud Haybe nasiib darro nooma ays uurto galin kadib markii aanu khadka telefoonkak u weynay masuuliyiintan.