Hargeysa:(Hubaal)-Dhallinyaro iyo aqoonyahan kasoo jeeda gobolka M/jeex, ayaa si weyn u taageeray wasiirka cusub ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Md Farxaan Aadan Haybe oo uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan xilkaas u magacaabay.
Dhallinyaradan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa madaxweynahaw ku hambalyeysay doorashada wasiirka cusub, waxana ay si isku mid ah u tilmaameen inuu wasiir Farxaan yahay shakhsi karti badan oo xilka wasaaradaas si habsi leh u gudan doona.
Ugu horrayn aqoonyahan Axmed Xuseen Maxamed oo dhallinyaradaas kamid, madashana ka hadlay, ayaa si weyn madaxweynaha ugu bogaadiyey go’aanka uu wasiirka cusub ee wasaaradda Duulista ugu magacaabay Farxaan Aadan Haybe, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxanu bogaadin iyo hambalyo aanu ugu diraynaa madaxweynaha Somaliland, annagoo ka mahadnaqaynaa wasiirka cusub ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka. Md Farxaan Aadan Haybe, waxana aanu leenahay madaxweyne waad asiibtay wasiirkaas, wasiirka waxanu leenahay ilaahay xilka lagu igmaday hakugu agarab galo oo hakugu asturo.”
Mid kamid ah da’yartii aqoonyahanka ahayd ee isla madasha wasiirka cusub lagu soo dhaweynayey ka hadashay, ayaa isaguna si xikmadaysan u sharraxay qiimaha uu wasiirka cusubi u leeyahay qaranka, isagoo hoosta ka xariiqay inuu madaxweynuhu helay shakhsi hana kara xilka wasaaradda Duulista, waxana uu yidhi,“ugu horrayn isku shaandhayntii uu madaxweynuhu sameeyey waanu hambalyeynaynaa, marka labaadna waxanu si gaar ah u hambalyeynaynaa wasiirka Duulista Hawada, madaxweynaha waxanu leenahay madaxweyne Faraxaan waa Xiddig godkii helay oo waxqabad iyo kartiba caan ku ah, waana aqoon yahan dhallinyar oo diyaar u ah inuu dalkiisa wax u qabto.”
Xubno tiro badan oo dhallinyaradan kamid ah oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday kartida iyo aqoonta wasiirka cusub ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md Farxaan Aadan Haybe, waxana ay xuseen inay kalsooni weyn ku qabaan waxqabadka uu dalka usoo kordhin doono.
Farxaan Aadan Haybe, ayuu toddobaadkii dhawaa madaxweyne Siilaanyo u igmaday inuu noqdo wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, waxana isa soo taraya soo dhaweynaha iyo hambalyada ay shacabka reer Somaliland ku qaabilayaan, waxana uu kamid yahay xubnaha ugu da’da yar golaha wasiiradda ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.