“Dhallinyarooy Ku Talo Gala In Tacabka Aad Qabanaysaan Uu Noqdo Mid Aan Dhaqaale Laga Doonaynin, Haddii Kale Gidaar Baad Fadhiyi”

0
112

“Waxa Aynu Ku Tashanaynaa Inaaad Adigu Tacabto Oo Aanad Dheef Doonin Ee Aad Mustaqbalka Soo Socda  Sidaas Ayuuna Dal Ku Dhismaa”   Muuse Biixi Cabdi

 

DAAWO SAWIRRO BADAN: Murrashaxa KULMIYE oo Sharraxay Sida Dhallinyaradu Hormood uga Noqon Horumar Somaliland Gaadho

Xisbiga KULMIYE oo soo dhaweeyey Ururka Dhallinyarada MIDNIMO oo ka jira caasimada Hargeysa

Hargeysa (Hubaal )- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer dhallinyarada reer Somaliland u hogo-tusaaleeyey siyaabaha ay naftooda, mustaqbalkooda iyo dalkoodaba u horumarin karaan, isagoo uga digay inay ku milmaan dhaqannada horumarkooda liddiga ku ah ee ku hareeraysan.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ka qaybgalay xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey dhallinyaro ku bahoobay urur la yidhaa MIDNIMO oo ka jira degmooyinka caasimadda Hargeysa ah oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee xisbiga maanta, taas oo sidoo kalena ay goob-joog ku ahaayeen Guddoomiye-ku-xigeenkiisa labaad, Xoghayaha guud ee xisbiga, wasiirro, siyaasiyiin, hoggaannada heer qaran ee haweenka iyo dhallinyarada, madaxda heer gobol iyo dhallinyaro badan oo ka socday ururka dhallinyarada ee MIDNIMO, waxa uu tilmaamay hiigsiga Somaliland bartilmaameedsanayso iyo sida ay uga midho-dhalin karto si dhallinyaradu uga baxdo dhibaatooyinka dhanka nolosha ee haysta.

Madaxda ururka dhallinyarada Midnimo iyo xubno firfircoon oo ka tirsan oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ka warramay sababaha ay ku doorteen inay la midoobaan xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen inay si mug leh ugu qanceen waxqabadka xukuumadda xisbigu muddadii ay xilka haysay ee ka dhashay barmaamijkii uu hore u soo bandhigay iyo siyaasadda waqtigan uu ku socdo murrashaxiisa Madaxweynuhu oo ay u arkeen in aannu jirin masuul kaga habboon sii wadista horumar qarankani gaadho, sidaasi darteedna ay waxay ballanqaadeen inay hiil iyo hooba la garabgeli doonaan sidii uu KULMIYE mar labaad talada dalka ugu guulaysan lahaa.

Masuuliyiin ka kala tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud Md. Xasan Siciid Yuusuf, Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer Qaran Md. Cabdi-najax Siyaad, Guddoomiyaha xisbiga Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, siyaasi Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), Amb. Axmed Xasan Cigaal, siyaasi Maxamuud Raage iyo siyaasi Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa dhammaantood si wayn u soo dhaweeyey dhallinyaradan la midoobay xisbiga, waxaanay isku raaceen in cod iyo cududba ku soo kordhin doonaan sidii xisbigu guusha doorashada madaxtinimada u hanti lahaa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Biixi Cabdi oo isagu khudbad ka jeediyey xafladda, ayaa sharraxay sida ay dhallinyaradu tiir-dhexaadka ugu yihiin horumarka dalka iyo sida looga baahanyahay inay naftooda u huraan, uguna adkaystaan caqabadaha nololeed ee horyaalla, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dal walba dhallinyaradiisaa dhista, Somaliland-na haddii ay isku tashato oo ay dhallinyaradeedu hawl u diyaargaroobaan meel weyn baynu gaadhaynaa, dhallinyaradana waxa laga rabaa naf-hur shaqo, xaglo-laabanna xoolo kuma yimaadaane tilmaanta aan idin siinayaa waa inuu ugu horrayn qofka dhallinyarada ahi noqdaa qof naftiisa ka adag, haddii aanad naftaada ka adkayn oo mar Mijin Qaad ahi ku qaaddo oo mar qabyaaladi ku qaaddo oo murugadu kaa adkaato oo albaababka kugu soo xidho waligaa meel ma gaadhaysid.”

Guddoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday tusaaleyaal nool oo uu dhallinyarada ka siiyey sida ay horumar ku gaadheen dalal badan oo dunida ah oo ay ka mid yihiin Japan, Jarmalka iyo Shiinaha oo waqtiyo badan hore dhibaatooyin adag soo maray, balse tacab iyo dadaal badan oo ay sameeyeen jiilal iyo da’yartoodii ay ku gaadheen horumar ay maanta dunida ku hoggaaminayaan.

“Dhallinyarow ku talogala inaad idinku tacabtaan oo dhibaatootaan oo tacabka aad qabanaysaan noqdo mid aan dhaqaale laga doonaynin iyo mushahar, haddii waddo la dhisayo aad muruqiina ku dhistaan, haddii beer la qodayo aad muruqiina ku qoddaan idinka oo aan mushahar u eegaynin haddii aad helaysaan wax aad cuntaan oo haddii beer la qodayo aad qoddaan oo haddii balliyo la qodayo aad qoddaan, mushaharka iyo noloshana waxa heli doona ka aad dhasho iyo ka dambeeya ee uu dhali doono, haddii aad sidaa u shaqayn weydana adiguna waxba tabcanmaysid oo gidaar baad fadhiyi kuu dhalo iyo ka uu sii dhalaana gidaarkaas buu fadhiyi doonaa, waxa aynu ku tashanaynaa inaaad adigu tacabto oo aanad dheef doonin ee aad mustaqbalka soo socda  sidaas ayuuna dal ku dhismaa,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu da’yarta uga digay inay nolosha ka quustaan, waxaannu su’aal ka keenay faa’iidooyinka ay gaadheen kuwii naftooda halligay ee badaha kaga tallaabay, isagoo taxay dhibaatooyinka dhallinyartii tahriibka galay waqtigan ku haysta dalalka shisheeye ee ay ku nool yihiin, waxaannu yidhi, “Dhallinyarada maanta laba qodob baan uga digayaa laba qodo oo kala ah mukhaadaraadka oo uu Qaadku ugu horreeyo iyo quusta, qofkuna marka uu quusto ama daroogo ayuu isku mudaa ama wuxuu yidhaahdaa waan tahriibayaa waalidkii dhalay buu ka nixiyaa, laakiin dhoofkii iyo tahriibkii maxaa laga helay? Dadkii dhoofay warraysta, inta wax ka baratay ama ka xoogsatay boqolkiiba toban (10%) ma gaadho, nin waliba halka uu tegay naftuu kula tacaalay, waliba waxa intaas u dheer kuwa uu dhalay ayuu ka baqanayaa inay isku qolo noqon doonaan iyo inay kala qolo noqon doonaan, inay isku Diin noqon doonaan iyo inay kala diin noqon doonaan.”

Ugu dambayntii, waxa caddeeyey in haddii uu isagu ku guulaysto talada waddanka uu hawl iyo shaqo adag galinayo dhallinyarada oo uu cadyahay mabda’iisu ee aannu been u sheegayn dhallinyarada iyo codbixiyayaasha.

“Dhallinyarow aynu isugu nimaadno hawl, ninka dhallinyarada u haya mushahar badan iyo baabuur badan meesha uu ka keenayo xisbiga keenayaa aniga ha ii sheego, tacab, dhidid iyo dhib baa inoo ballan ah haddii kale meel ma gaadhayno, mabda’a aynu isugu nimi waakaa, annagu odhanmayno togag janno ah baanu soo rogaynaa, janno idinma durduurinayo ee hawl buu idin galinayaa KULMIYE,” ayuu ku soo ururiyey hadalkiisa Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

20258010_451160338581024_5650024945691298731_n

20258075_451158005247924_6026648340588952425_n

20258094_451159165247808_6518679264297799499_n

20258170_451158595247865_952796276690729920_n

20264943_451159758581082_4987897107186651396_n

20265065_451159011914490_2501931971745726261_n

20292996_451160151914376_6375039904278000280_n

20294567_451158265247898_677726855686942039_n

20294567_451159038581154_6127577827478929167_n

20375648_451158011914590_8236598491816198640_n

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here