Guddoomiyaha telefiishanka HCTV Farxaan Cali Axmed, agaasimaha tv-ga Maxamed Cabdi (Ilig), Tifaftiraha tv-ga Mustafe Sheekh Cumar Geedi,wasiirka ganacsiga Somaliland Muuse Qaasim, guddoomiyaha jaaliyada Somaliland ee Sweden, Chief caaqil Dayid Cabdi Ciidle, Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, Oday Xaashi Cismaan Doolaal,Caaqil Cabdi Shugri waxay TACSI tiiraanyo leh u dirayaan badhasaabkii hore ee gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi Xabiib oo Aabbihii Axmed Aw Cabdi xabiib Maanta ku geeriyooday magaaladda Gabiley.
Waxay Eebbe uga baryayaan Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo qoyskii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo
Aamiin….. Aamiin…. Aamiin…. Aamiin